Fadeexad iyo ceeb weyn oo soo wajahday shaqaalaha wax baara ee Garoomada Diyaaradaha Dalka Mareykanka(Daawo Muuqaal Ahaan)
Fadeexad iyo ceeb weyn ayaa waxaa la sheegay inay soo wajahday shaqaalaha wax baara ee garoomada diyaaradaha dalkaas Mareykanka ka dib markii ay shaqaalahaas ku caan baxeen xatooyo iyo tuuganimo joogta ah oo ay u geysanayaan hantida iyo alaabta dadka rakaabka ee ay baarayaan
Shaqaalahaan ka howl gala ilaalinta amaanka ee garoomada diyaaradaha ee dalkaas Mareykanka oo loo yaqaan TSA (Transportation Security Administration) ayaa waxaa la sheegay inay ku kacaan fal xun oo tuuganimo ah iyadoona ay shaqaalahaas ay caadeysteen inay xadaan hantida dadka rakaabka ah ee ay baarayaan iyadoona ay arintaas ka dhacdo garoomo badan oo ku yaala dalkaas Mareykanka iyadoona ay shaqaalahaas xadaan oo aysan caafin waxyaalaha elektaronika ah sida Laptopyada, iPadka, Kamarida iyo dhamaan wayaabaha qaaliga ah ee kale. Shaqaalaha tuugada ah ayaa waxaa dhawaantaan cadeeyey telefishinka ABC News ka dib markii uu iska soo dhigay mid ka mid ah rakaabka diyaarad ka dibna ay halkaas uga tageen iPad qaali ah taasoo oo keentay inay halkaas ka xado nin ka mid ah shaqaa;ahaas oo gurigiisan geystay, laakiin waxa uu ninkaasi ogeyn ayey waxay ahayd in ipadkaasi uu ku xirnaa qalab tixraac ah oo sheegaayo halka lagu heysto, baaritaan ka dib ayuu qalabkaas waxaa uu u hogaamiyey in iPadkaas lagu heysto guri uu leeyahay sarkaal ka tirsan shaqaalaha wax baaro ee garoonka diyaaradaha ee Orlando airport ee magaalada Florida ee dalkaas Mareykanka, ninkaas oo lagu magacaabo Andy Ramirez, islamarkaasna uu iPadkaas markii ugu dambeysay gacantiisa ku jirey ayaa halkaas ka xaday, Laakiin kooxdii telefishinka ABC News ayaa waxay ka war sugeen ilaa iyo mudo 2 todobaad ah bal in iPadkaas loo soo celiyo hasa yeeshee wax jawaab ah ma aysan helin taasoo oo keentay inay markii dambe ay iyagu doontaan, inkastoo uu sarkaakaas uu markii hore uu inkirey iPadkaas ayuu markii dambe oo uu arkey inuu alarmigii iPadku dhawaaqay oo ayna cadaatey inuusan sinaba ku baxsaneyn ayuu soo saarey ninkaas tuuga ah asagoona arintaas ku macneyeeye inay xaaskiisu ka soo qaaday Airoporka oo ayna keenay iPadkaas gurigooda laakiin ninkii weriyaha ahaa ayaa runta indhaha ka saarey una sheegay inuu asagu ugu dambeeyey iPadkaas
Ugu dambeyntiina iyadoo ninkaas sarkaalka ah ee lagu magacaabo Andy Ramirez islamarkii ay ku cadaatey arintaasba shaqada laga ceyriyey islamarkaana la baaraayo in lagu soo oogo fal dambiyeedka uu sameeyey ayaa sida ay sheegtay madaxda shirkadaas in ilaa mudo 8 sanadood ku dhow ay shirkadaasi ay ka ceyrisay shaqada qaarna xabsiga la dhigay saraakiil u shaqeyn jirtey oo ay tiradoodu gaareyso ilaa iyo 381 sarkaal, iyadoona ay tiradaasi ay ku jirto ilaa iyo 11 sarkaal oo shaqada looga ceyriyey sanadkaan gudihiisa ka dib markey xatooyo u geysteen hantida dadka rakaabka ah ee ay baarayaan, Qaar ka mid ah madaxda wasaarada amniga qaranka ee ay heyadaas hoos timaado ayaa sheegay in arintaas si weyn loo dabi gali doono islamarkaana la sugi doono inay hantida dadka rakaabku noqoto mid mar walba ku jirto gacmoamaan ah oo aan looga baqeyn xatooyo.