MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Shacabka magaalada Muqdisho oo maanta si weyn u hadal haya doorashada madaxweynaha cusub ee Somalia
Iyadoo maanta magaalada Muqdisho ay ka dhaceyso doorashada madaxweynaha cusub ee Somalia hogaamin doona afarta sanadaood ee soo socota ayaa saaka shacabka magaalada waxay si weyn u hadal hayaan arintaas.

Goobaha la iskugu yimaado sida maqaayadaha, biibitooyinka laga shaaho ee fadhi ku dirirada loo yaqaano, suuqyada, basaska iyo meelo kale oo badan ayaa waxaa hadal heynta dadka hareysay doorashada madaxweynaha.

Qeybaha bulshada oo isagu jira dhalinyaro, odayaal, haween iyo xitaa caruurta waxay falanqeynayaan doorashada iyo qofka ay isleeyihiin madaxweyne waa loo dooran doonaa, iyagoo dhinacyo badan ka eegaya, saadaal kala duwana bixinaya.

Qaar ka mid ah dadweynaha ayaa waxay taageersan yihiin lana safan yihiin musharaxiinta qaar oo ay jeclaan lahaayeen iney ku soo baxaan doorashada, iyagoo qof kasta uu kuu sheegayo musharaxa uu doonayo iyo sababaha uu ku doortay.

Dhinaca kale qaar ka mid ah dadweynaha ayaa iyana kuu sheegaya ineysan la safneyn musharaxiinta, maadaama aysan shacabka toos u codeyneynin, uuna wax dooranayo baarlaman kooban oo lagu eedeeyo iney ka buuxaan laaluush qaatayaal, waxayna dadkaas kuu sheegayaan iney ku duceysanayaan oo kaliya in madaxweynaha la doorto uu ILAAHAY ka dhigo kii umada ka samata bixiya dhibaatada.

Dadweynaha ayaa indhaha ku haya shaashadaha TV-yada Soomaalida oo toos uga daawan doono qaabka doorashadu ay u dhaceyso, iyadoo xitaa kuwa guryahooda uusan telefishin ku jirin ay isku dayayaan iney helaan meel ay ka daawadaan, iyagoo tegaya dad ay asxaab iyo deris yihiin oo telefishino heysta.

Xaalada magaalada Muqdisho, saaka waa ka duwan tahay sidii hore, socodka dadka waa mid kooban, waxaa dhegta lagu wada hayaa idaacadaha oo sii deynaya Wareysiyo ku saabsan doorashada, dadkuna si feejigan ayey arimaha ula socdaan, waxaana wadooyinka ku yar gaadiidka socda.
Comments
Render time: 0.05 seconds 4,577,846 unique visits Top