MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Madaxweynaha Soomaaliya Oo Maanta Kulan Aan Caadi Aheen Laqaatay Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed
Odayaashii dhaqanka Soomaaliyeed ee sooxulay Baarlamaanka cusub ee Dalka Soomaaliya ee haatan shaqeenaya ayaa maanta waxaa kulan qado sharaf ah u sameeyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Fadaralka Soomaaliya Prof Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha dalka Soomaliya ayaa waxa uu kulan kaan kula qaatay Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed isagoona ku casuumay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya halkaasoo ay dhamaantooda kuwada qaateen kulan qado sharaf ahaa waxaana islamarkaana goobta ay ka dhaceysay qado sharaftaan uu ku sugnaa Ra’iisul Wasaarahii hore ee xukuumadii waqtigeeda uu dhamaaday.



Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda waqtigeeda uu dhamaaday C/wali Maxamed Cali Gaas halkaasi kahadlay ayaa waxa uu sheegay in uu umahadcelinaayo Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed howlihii adkaa oo ay kasameeyeen amaba ay ka qabteen Dalka Soomaaliya.

Waxaana isna halkaasi kahadlay Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku cel celiyay mahad celinta Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed howlihii ay dalka kasoo qabteen awgeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku tilmaamay Odayaasha dhaqanka inay la mid yihiin dhalinyaradii 13-ka ahaa SYL ee usoo halgamay gobanimo doonka Soomaaliya.

waxaana uu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya in wax wanaagsan oo lagu amaano ay tahay Odayaasha waxii ay kasoo qabteen dalka Soomaaliya waxaana uu tilmaamay in haatan uu soo idlaaday wajiga koowaad ee Shaqada dalka Soomaaliya ay soo idlaatay haatan waxaana uu intaa raaciyay in haatan oo kalauyah ay dhimantahay wajiga labaad ee howsha qaranka.

Gaban gabadii kulankaan qado sharafkaan ayaa waxaa halkaasi odayaasha dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed shahaado shara ku guddoonsiiyay Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Comments
Render time: 0.03 seconds 4,509,762 unique visits Top