Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Xayla Maryam Deseliin oo la hadlayay warbaahinta Itoobiya ayaa sheegay in Taageeradii ay siin jireen Soomaaliya maamul ahaan iyo Shacab ahaan inta ay halkeeda kasii wadi doonaan isaga oo intaasi kusii daray in Itoobiya ay dadaal waliba ku bixin doonto dhameystirka soo celinta Nabadda iyo madaxbanaannida Soomaaliya iyada oo la kaashaneysa IGAD, Qaramada Midoobay iyo dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya.
Waxa uu tilmaamay in hawlgallada ciidan ee kasoconaya Soomaaliya ayna wadaan Ciidaamda Amisom iyo kuwa Soomaaliya iyaguna ay qeybta ka yihiin in ay iminka sabab u noqdeen dalka gudihiisa in uu ka dhoco doorasho iyo sidoo kale hoos u dhaca kuyimid awoodii xarakada Alshabaab.
Soomaaliya inta uga harsan ee soo celinta awoodeeda ayuu sheegay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya in ay ku hawlan yihiin iminka ayna ka shaqeynayaan xilligan sidii loosoo celin lahaa awoodii Soomaaliya ay laheyd iyo midi ganacsi si gobolka uu u noqdo mid horumar weyn gaara, Shacabka Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiintooduna laga doonayo in ay mas’uuliyad iska saaraan dib u dhiska dalkooda iyo xaqiijinta Ammaanka Umadda Soomaaliyeed.