MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Madaxweyne Xasan Sheekh:- Cid aan dowladda aheyn maamul ma u sameyn karto Kismaayo, waxaana ka dhisi doonaa…
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo markale ka hadlay sida uu u arko xaaladda Kismaayo iyo la wareegista ay la wareegeen ciidamada Soomaalida ah iyo kuwa Kenya iyo cidda ku haboon ee maamul u sameyn karta ayaa waxa uu sheegay inuu soo dhaweynayo qabashada Kismaayo, wuxuuna intaasi ku daray in dowladdiisu ay maamul rayid ah u sameynayo magaaladaasi, isagoo sheegay in cid kale aysan xaq u laheyn inay Kismaayo maamul u sameyso, isla markaasna aysan ka ogolaan doonin arrin noocaasi oo kale ah.

Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in la wareegidda gacan ku heynta magaalada Kismaayo ay tahay mid muhiim u ah dowlada Soomaaliyeed ayna socdaan wadatashiyo uu la sameynayo sida uu yiri qeybaha kala duwan ee beelaha dega gobolada Jubooyinka isla markaana si degdeg ah loogu dhawaaqi doono maamul loo dhanyahay oo rayid ah, ayna ku mideysanyihiin dhammaan beelaha wada dega gobolada Jubbooyinka.

“Magaalada Kismaayo waxaan u sameynaynaa maamul rayid ah oo aan aheyn mid meletri, waxaan idiin sheegayaa in dowladda aysan cidna ka ogolaan doonin inay maamul u sameyso magaalada Kismaayo, warar badan ayaa magaalada yaacaya, laakiin dadku waa inay waxaasi oo dhan uga kaaftoomaan in magaalada cid aan dowladda aheyn aysan maamul u sameyn doonin, isla markaasna haddii ay si iskood ah uga dhawaaqaan aan laga yeeli doonin” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kasta oo ay ahaataba warka ka soo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku soo beegmaya xilli ay ciidamada huwan ah ay la wareegeen gacan ku heynta magaalada Kismaayo, iyadoo ay ka baxeen maalmo ka hor ciidamadii Al-shabaab oo ka talinayay magaalada Kismaayo, waxaana xusud mudan in maamul u sameynta magaalada Kismaayo ay ku riyoonayaan dad badan oo ay ka mid tahay dowladda Kenya, Ururka Raaskambooni ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe, Barre Hiiraale, dowladda Soomaaliya iyo dalal kale oo ka mid ah IGAD iyo sidoo kale dad kale oo sheegay inay iyagu xaq u leeyihiin maamul u sameynya magaalada Kismaayo, lamana oga saameynta uu ku yeelan doono intaasi oo dhan hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.
Comments
Render time: 0.03 seconds 4,501,908 unique visits Top