MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Gobalada dalka oo la geynayo xildhibaano ka tirsan Barlamaanka.
Gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in markii ugu horeysay in xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya qaarkood la geynayo gobalada ay kasoo kala jeedaan si halkaasi ay xafiisyo uga furaan.

Pro’Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa waxaa uu sheegay in gudoonka sare ee barlamaanka Soomaaliya uu ku tala jiro in dhamaan gobalada dalka Soomaaliya la geynayo Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka,islamarkaana sida uu sheegay Mudanayaasha ay tagi doonaan meesha ay kasoo jeedaan.

Sababta Xildhibaanada loo geynayo Gobalada dalka ayuu ku sheegay iney tahay wadashaqeyn dhaxmarta Barlamaanka Soomaaliya iyo shacabka ay wakiilka ka yihiin,waxaana uu sheegay in howshaas si deg deg ah ay u bilaabi doonaan.

Hadalkan kasoo yeeray Gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan jawaari oo ku aadan in xildhibaaanada barlamaanka ay geynayaan gobalada dalka ayaan la ogeyn sida ay u aqbali doonaan Xildhibaanada Barlamaanka maadama dhanka amaanka ay u baqayaan.
Comments
Render time: 0.04 seconds 4,581,088 unique visits Top