Wafdi ka socday Britain oo maanta gaaray Muqdisho.
Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya gaaray Wafdi caalami ah oo ka socday Dalka Britain kuwaasi oo ka koobnaa ilaa iyo dhowr xubnood ayaa waxaa ay kulamo la qaateen Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh.
Xubnahan ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Xildhibaano iyo Madax kale oo ka tirsan Dowlada Soomaaliya,iyadoo soo dhaweynta kadib loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Wafdiga ka socday dalka Britain iyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ay kulan mudo socday ay ku yeesheen Aqalka Madaxtooyada Soomaaliya,wallow kulanka Saxaafada ay banaanka ka joogtay.
Kulanka kadib ayaa waxaa Wariyaasha la hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay in Maanta uu la kulmo Wafdi ka socda dalka Britain oo Wasiiro dalkaasi ka socday ka koobnaa.
Waxaa uu tilmaamay M/weyne Xasan Sheekh iney ka wada hadleen sidii gacan loo siin lahaa Dowlada cusub ee Soomaaliya,wuxuuna sheegay in Wafdiga balanqadyo dhowr ah ay u sameeyeen Dowlada Soomaaliya oo xitaa buu yiri ay ka gacan siinayaan dib u dhiska dalka.