MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
MADAXWEYNE WAA KUMA? (maanso ku socoto madaxweynaha)

waxaan halkaan idiinku heynaa maanso lagula hadlaayo madaxweynahaha lagumna magacaabo (MADAXWEYNE WAA KUMA)

Indhawaydba maalmahan
sugaanta mudankaa
murti maanka kumahayn
hada maqane joogiyo
maahayn wax sayloon
mowjadihii iqaadaba
mugdi bay ahaayeen
gudbe maalmahoodii
maantana waxaa yimi
madaxdaan sugayniyo
madaxwayne daacada
loowada maqsuudyee
mowloow la garabqabo

Mahad eebe weeyaan
madag inaan uxirikaro
mooryaan ka tirikaro
milatarina dhisikaro
maamul aan samaynkaro
maatadoon u ruurshiyo
cududahayga maqaniyo
soomaalina midaynkaro
maantana waxaa yimi
madaxdaan sugayniyo
madaxwayne daacada
loowada maqsuudyee
mowloow la garabqabo

caqligii maqnaanjiray
maantaa dibloohelay
maandeeqbaa sugayso
miskihii qaadi waydoo
mawkeedu waa darar
nimaan maali karinbay
baryo meel joogtoo
gudbe maal mahaasina
maantana waxaa yimi
madaxdaan sugayniyo
madaxwayne daacada
loowada maqsuudyee
mowloow la garabqabo


madaxwayne waakuma
madamqade fadhiidiyo
maaha maxasta boobaha
ma maqlaha dadkiisiyo
maaha miciya waynaha
manexaha dalkiisiyo
maaha boqonti goohaya
mana aha mid iibsada
maantana waxaa yimi
madaxdaan sugayniyo
madaxwayne daacada
loowada maqsuudyee
mowloow la garabqabo


madaxwayne wuxuyahay
midaan qabiilku duulayn
marna aan matalahayn
maamuus qaran yagleeloo
dadka wada mideeyoo
mabda'ood adkeeyoo
uhorseeda meel wacan
dadkuna ay majeertaan
maantana waxaa yimi
madaxdaan sugayniyo
madaxwayne daacada
loowada maqsuudyee
mowloow la garabqabo

haduu maqalka diidana
magacyada eebaha wayn
inta miimku kagajiro
yamyamna uu miciinbiday
moowle aan ku tuugnoo
midgayaa inuu qabo

Comments
Render time: 0.03 seconds 4,509,487 unique visits Top