wararka naga asoogaaraya Duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay kadhaceen iska hor imaad xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Xoogaga Al-Shabaab.
Iska hor imaadkaan ayaa waxaa lagu soowaramayaa in uu ahaa mid xoogan kaas oo ay sooqaadeen Ciidamada AL-Shabaab iyagoona ku sooqaaday Ciidan katirsan Dowlada Soomaaliya kuwaas oo fariisin kuleh Duleedka Magaalada Muqdisho Gaar ahaan Degaanka Xaawo cabdi.
qaar kamid ah dadka degaaan ayaa waxa ay sheegeen in uu ahaa weerarkaan mid xoogan kaas oo la isku adeegasanaayay hubka culus iyo waliba kan fududba.
weerarkaan oo dhacay habeenimadii xalay ayaan la ogeen qasaaraha rasmigaa ee sookala gaaray labaadan dhinac ee iska hor imaadaka uu halkaasi ku dhexmaraay xiliga oo ahaa habeen awgeed.
wararkii ugu danbeeytay ee halkaasi naga saoogaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in weerarkaan kadib ay Ciidamada Dowlada Sameeyeen baaritaan yar oo kuuban kaas oo ay ku baacsanaayeen cidii kadanbeysay weerarkaan hasayeeshee lama oga cid ay ku sooqab qabteen kuwaas oo ay la xiriirinaayaan weerarkaan.
haye yeeshee weerarkaan ayaa waxa uu imaanayaa xili ay gacanta ku haayaan guud ahaan amaanka Magaalada Muqdisho Ciidamada Dowlada Soomaaliya intabadana waxa ay kageestaan Al-Shabaab weeraro ay kuusooqaadaan goobaha markaas fariisinka u ah Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyadoona uu halkaasi kasoogaaro labadoodana qasaaro leh dhimasho iyo dhaawac.