Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Garisa ee gobolka Waqooyi Bari ayaa sheegaya in goordhow la arkay holac xooggan oo ka qarxay Saldhiga dhexe ee ciidamada Booliska Magaaladda Garuisa.
Saldhiga ayaa haatan holcaya waxaana la ogayn qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dabkaas xooggan ee ka holcaya Saldhiga dhexe ee ciidamada Booliska Magaaladda Garisa.
Sidoo kale lama oga sababaha ka danbeeya dabkaas iyadoona ciidamo badan ay gaareen goobta dabka uu ka socdo, waxaa sidoo kale goobta gaaray dab damis badan oo ka qeyb qaadanaya joojinta dabkaas.