Madaxweynaha oo dhalinyarada ka tirsan Al shabaab u sameeyey balan qaad aan horay loo arag hadey ka soo baxaan Al shabaab
Xasan Shiikh Maxamuud oo ka hadlay kulan ka dhacay magaalada Baydhabo Isniintii Shalay ayuu kaga hadlay Arin la ogeyn suurta-galnimadeyda waxaana Madaxweynaha uu tibaaxay in wiilasha iyo gabdhaha al shabaab katirsan fursad shaqo u abuurayaan.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin dhalinyaradaasi duruufo jiro awgeed ugu biireen shabaab iyo lacag ay ka helaan ururkaasi taasi badalkeedana ay dad badan ku kalsooneyn in haween shabaab ah inay soo goostaan.
“Waan ognahay wiilal iyo gabdho badan ayaa al shabaab lacag darted ugu biiray,qaar ka mid ah ciil darted iyo qabiil hebel iska celi ugu biireen al shabaab hayeeshee fursad ayaan siineynaa haka soo baxaan fursad shaqo ayaan siineynaa ayuu yiri madaxweynaha”.
Al shabaab Xubnaha katirsan ayaa waxa udhaxa haween badan oo kuwaasi oo qaarkood ah kuwa dagaalada ku dhiiri geliya waxaana adag siday uga soo baxaan al shabaab.
Ma ahan mid ku cusub dhalinyarada Al shabaab katirsan baaq loo jeediyo taasi oo la sheegay inay ballan qaadna loo sameeyo iyadona dad badan ay aaminsan yihiin ad adeega maamulka shabaab lagu talaalay dhalinyarada udagaalanta.