Maxaad ka ogtahay 9-ka caqabad ee hortaagan magacaabista Ra段isul Wasaaraha cusub ee Somalia
Waxaan ogaanay inay jiraan cadaadisyo aad u tira badan oo saaran Madaxweynaha, mana soo koobi karno cadaadisyadaas, laakiin waxaan ka soo qaadanaynaa dhowr qodob oo muhim ah oo kala ah:
1) Mahiga iyo Beesha Caalamka oo leh dooni mayno Farmaajo
2) Maamulka Somaliland oo leh doonimayno siyaasiyiinta waqooyi.
3) Faroole oo leh doonimayno qof aan Majeerteen ahayn.
4) Ethiopia oo leh doonimayno qof Ogaaden ah.
5) Odayaasha Hawiye oo leh doonimayno Majeerteen.
6) Kooxda Dam Jadiid oo leh qof aan annaga ahayn yeeli mayno.
7) Shacabka Muqdisho qaarkii oo leh qof aan Farmaajo ahayn dooni mayno
8) La taliyeyasha madaxweynaha oo leh qof aan daacad ahayn iyo qof aan caano madaadshe ahayn dooni mayno maadaama ay bateen Isku dhacyada madaxweynaha iyo Ra段isul Wasaarahaiisa.
9) Qaar ka mid ah dadkii codadka siiyay oo weli gor gortan ku jira, rabana in ayaga ama qof ay wataan laga dhigo Ra段isul Wasaare, oo ay ka mid yihii Shariif Xasan Sheikh Aadan iyo Cabdi Weli Cali Gaas.
Haddaba la arki doonee goorta madaxweynaha uu intan cadaadis ah ka gudbo, soona magacaabo Ra段isul Wasaare, inkasta oo ay dhowdahay iminka waqtigii uu go誕an gaari lahaa.