(DAAWO VIDEO) Fanaanad caan ka aheyd dalka Faransiiska oo mar kaliya la arkay iyadoo xijaab xiran (Waa maxay sababta)
Gabadh Faransiis ah oo aad ugu caan baxday heesaha Rap ka ayaa ka yaabisay shacabka Faransiiska kadib markeey dib uga soo muuqatay Telefishanka Wadanka France iyadoo ka duwan qaabka ay ku yaqaaneen.
Gabadhan oo Magaceeda la yiraahdo Mélanie Georgiades oo ku magac dheer Diam’s ayaa la waayey meel ay ka baxday iyadoon ka soo muuqan masraxa tan iyo sanadkii 2009 .
Waxa ay dib uga soo muuqatay Telefishanka wadanka France iyadoo xiran Xijaab,, wareeysi ay siisay Telefishanka TF1 waxeey Ku sheegtay in ay soo gashay diinta Islaamka ama soo Islaamtay .
Diam’s Ayaa waxeey sheegtay in ay soo gashay diinta islaamka kadib markeey dib u fiirisay Nolasha ay ku nooleed markaas iyo wixii ay soo martay oo dhan .
Waxeey sheegtay in ay aragtay, Caan nimo ,Lacag , iyo daroogo la qaato in aysan eheen Nolasha dhabta ah , Markaas kadib ayeey Bilowday in ay baaritaan u gasho diimaha ka Jira Aduunka , waxeeyna sheegtay in mudo yar kadib usoo baxday in diinta saxda ah ay tahay diinta Islaamka .
Diam’s waxeey ka sheekeeysay dhacdo ku saabsaneed sida ay diinta ugu soo dhawaatay .
Waxeey tiri ” Waxaan arkay qof aan saaxiibo eheen oo Muslim ah oo tukanaya , Markaas ayaa iigu horeeysay Inaan arko wax ku saabsan diinta Islaamka ”
Gabadhan oo wadanka Faransiiska aad Caan uga eheed ,, Heesina Jirtay Heesaha Rapka ayaa waxeey sheegtay in Nolasha ay ku nooleed markii hore ay eheed Nolol cadaab ah .
Waxeey sheegtay in ay aad u isticmaali Jirtay Daroogo ama Drugs kuwaaso Nolasheeda dhibaatooyin badan u geeystay .
Nolosha ay hada ku nooshahay ayaa waxeey ku tilmaamtay Mid aad u raaxo badan , waxeeyna sheegtay in ay hada ogaatay sababta ay u timi dunidan taas oo ah Cibaado ,
Heeso iyo caan nimo na aysan eheen Muhiim .
Diams ayaa waxeey Guursatay sanad ka hor ,waxeey hada heesata cunug yar .
Muqaalka Diam’s Kadib Wareeysigan Telefishanka ayaa shacabka wadanka France aad ula yaabeen Madaama ay aad uga duwaneed Muqaalka ay horey ugu Yaqaaneen oo ahaa isqaawin iyo jirkeeda oo ay banaanka soo dhigto , Laakin hada ay ku labisneed Xijaab .
Wadanka Fransiiska ayaa waxaa la soo rogay sharci Mamnuucaya in la xirto xijaab ama Gabdhaha Muslimiinta ee ku nool wadankaas in ay asturaan jirkooda .
Waxaa gabdho badan loo xiray ,xabsina loogu taxaabay xirashada Xijaabka .