SHABAAB
JACEYLKA ABAALKIISA
DOOD WADAAG
MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
XOG WARAN
XIKMADII JACEYLKA
DABINKII DUMARKA 2
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Ciidamada Dowlada oo la sheegay in loo qeybiyay xoogaa mushaarad ah (Talow waa meeqa)
Warar lagu kalsoon yahay kuna dhaw xeryaha ciidamada Dalwada ku jiraan ayaa noo sheegay in shalay iyo maanta ciidamada dawlada lasiinayey lacago mushaar ah kuwaasi oo lagu abaal marinayey qaarkood Bilido dhinaca ciidanka.

Xerada ciidamada Dawlada kuleeyihiin deegaanka Shalaanbood ee gobolka SH/hoose ayaa waxa ka taagnaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay waxay ahayd mashquul waxaana askari walbo lasiiyey $600 Dollarka mareykanka.

Qaar ka mid ah ciidamada Dawlada Somaliya oo iyana kula kulmay muqdisho ayaa ii sheegay inay heleen mushaarkoodii oo shan bilood aysan helin guno intaan oo kale ah waxayna ahaayeen kuwa Qaad (jaad) dhamaan gacanta ku watay.

Bixinta Mushaarka ayaan la ogeyn hay’ada dhinaca dawlada ee iyadu garwaaqsatay bishaan iyadoo askarta dawlada aysan helin lacagtoodii tan iyo markii uu meesha ka baxay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Weli Xeryaha Ciidamada waxaa ka socda Bixinta Mushaaraadka lasiinayo Askarta Dawlada qeybaheeda kala duwan waxaana lagu abaal mariyey qaarkood sida dad xog ogaal ah inoo sheegeen xidiggaha dhinaca ciidan ee shaarka askari garbaha looga safo.

Saraakiil badan ayaa loo dalacsiiyey Kolneelo,in ka mid ah ayaa helay jagada Janeraalnimo iyadoo kuwa kalena lacago ka badan mushaarkooda askarta qaar lagu abaal mariyey.

Ciidamada Dawlada Somaliya ayaa Sanadkaan qabtay shaqadii ugu badnaa kuwaasi oo gacanta ku dhigay gobollo iyo deegaano mucaaradka Shabaab maamulayeen shantii sano ee Lasoo dhaafay.
Comments
Render time: 0.05 seconds 4,958,189 unique visits Top