Taliyaha ayaa intaa ku daray in tiro Badan oo Al-Shabaab ah in hool galkaasi kusoo qabteen ayna soo gudbin doonaan Saacadaha soo aadan tiradooda Rasmiga ah ,waxa uuna xusay in arintan gacan weyn ka geesteen Shacabka kunool Xaafadahaasi oo Ciidamada Dowlada kusoo wargaliyay Ragan Shabaab katirsan iyo hubkooda in xaafadahooda kusuganyihiin.
Gaashaanle C/risaaq Maxamuud Sabraaye waxa uu intaa raaciyay in dhamaan Guryihii lagu soo qabtay raga Shabaabka katirsan iyo Hubkii ay lahaayeen ay la wareegeen Ciidamada Nabad Sugida Dowlada Xalayna ay halkaasi jiifsadeen Ciidamada Nabad Sugida oo ka saaray dadkii dagnaa.
Waxa uuna mar kale ku celiyay Taliyaha in ay Dowlada la wareegi doonto gurigii laga helaa Dad Shabaab katirsan iyo hubkooda sidii xalay dhacday oo kale isagoona dadka uga digay in ay iska ilaaliyaan in ay guryaha keensadaan Raga Shabaabka katirsan iyo hubkooda.
Waa markii ugu horeesay ee Ciidamada Dowlada la wareegaan guryo Shacab oo lagu soo qabtay rag Shababa katirsan iyo Hub ay leeyihiin tan iyo markii Dhawaan Hay’ada Nabad sugida Madaxdooda Shaaciyeen in ay la wareegi doonaanh Gurigii hub lagu soo qabtaa iyo Xubno katirsan Shabaab ee amaan darida kawada Magaalada Muqdisho.