MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu horkacayay oo magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib markii uu booqasho gaaban ku tagay magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Booqashada Madaxweynaha oo uu ku weheliyey Guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa aheyd tii ugu horeysay oo ay ku tagaan magaalo kamid ah dalka tan iyo markii loo doortay madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa magaalada Baydhabo ku soo dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka, Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Madaxweynaha ayaa munaasabad ka dhacday xarunta madaxtooyada Baydhabo waxaa uu qudbad u jeediyey Odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo haweenka, kuwaasoo suugaan soo dhoweyn u qaaday Madaxweynaha cusub.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu xooga saarayo sidii fursada hada jirta looga faa’ideysan lahaa, isla markaana dowladdnimada loo xoojin lahaa, isagoo sheegay in ammaanka wax laga qaban doono.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray markii ugu horeysey ee uu la wareego maamulka dalka Soomaaliya xarun lagu tababaro ciidamo Soomaaliyeed. Xaruntaa oo ku taal meel aan ka fogeyn magaalada Baydhabo ayuu kula kulmay saraakiisha, macalimiinta iyo ciidamada tababarka u socday waxana uu kula dar daarmay ciidamada inay ka qeybqaataan daafacaada dalkooda hooyo.
Comments
Render time: 0.03 seconds 4,533,437 unique visits Top