Qarax Xooggan oo caawa ka dhacay Magaaladda Garisa iyo Howlgalo dad lagu qab qabtay
Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Garisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegay in caawa uu halkaas qarax kadhacay.
Qaraxan ayaa warar aynu ka helnay dadka deegaanka waxaa ay sheegeen inuu ahaa Bambo lagu tuuray goob aan ka dheereyn saldhig ciidan oo Magaaladda kuyaal gaar ahaan xaafada Buulo Iftiin.
Dadka aan lahadalnay nama aysan xaqiijin wax qasaaraha oo qaraxaas uu gaystay maadaama xiliga uu dhacay ay tahay habeen.
Magaaladda ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay ka soconayay howlgalo xooggan oo lagu baadi goobayay kooxo dil xalay ugu gaystay gudaha Magaalada labo kamid ah ciidamada Amaanka Kenya.
Howlgaladii ugu danbeeyay ayaa lasoo sheegayaa in ay ciidamadu ku qabteen ilaa 10 ruux oo qaarkood looga shakisan yahay in ay amaan xumada magaaladda qeyb ka yihiin.
Qeybo kamid ah Magaalooyinka waa weyn ee Kenya ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacayay falal qarxyo iyo dil ah, waxaana Magaaladda Nairobi ka dhacay Qarax qasaaro gaystay.