Sheekh Fu’aad Maxamed Qalaf Shangole oo kamid ah Hogaamiyaasha Sare ee Al-Shabaab uguna magacaaban kooxdaasi madaxa dacwada iyo baraarujinta dhalinyarada si ay u dagaalamaan ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay aan laga maqlin Warbahinta hadaladiisa.
Shalay ayey aheed markii Fu’aad DShangolle lagu arkay goob fagaare ah uu kala hadlay Shacabka kunool Magaalada Diinsoor isagoona ku baqay in dagaalada looga horjeedo Dowlada iyo sidoo kale Ciidamada Wehliya la xoojiyo.
Sheekh Fu’aad waxa uu ku baaqay in lasii dar dar geliyo dagaalka Jihaadka ah ee Cadowga lagula jiro, wuxuuna sheegay in qof walba oo muslim ah laga doonayo in wixii uu awoodo uu Jihaadka ku taageero, si dalka looga saaro Cadowga kusoo duulay.
Waxa kale uu intaa ku daray Sheekh Fu’aad in Duulaan qaawan Soomaaliya kusoo qaadeen Shan Wadan oo Afrikaan ah uu sheegay in ay wakiil ka yihiin Dowladaha Reer Galbeedka iyo Mareykanka.
‘’Soomaaliya waxaa Ciidan iyo Muqaabaraad ka joogana Mareykanka iyo Ingiriis iyo sidoo kale Haween qaawan oo fasahaad ah taasna waxa ay muujineysaa in diinta dagaal lagu la jiro cadaawadna loo hayo.
Hadalka Sheekh Fu’aad Shangole ayaa kusoo aadaya xili Kooxda Al-Shabaab Deegaano badan oo Gobolada Dalka ah laga saaray hadana ee kusoo koobmeen deegaano iyo Degmooyin tiro yar.