MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Mustaqbalka Nani Oo Mugdi Uu Ku Jiro Ka Dib Markii Uu Feeray Da’ Yarka United Petrucci.
Nani ayaa ku sii dhawaanaya inuu ka baxo albaabka Old Traffor, ka dib markii uu feer ku dhuftay ciyaaryahan da’ yar oo Manchester United ah, sida ay qortay Daily Mail.

Ereyo ayay isweydaarsadeen Nani iyo ciyaaryahanka juunyeerka ee khadka dhexe Davide Petrucci ka dib markii taakal ay ku kulmeen garoonka tababarja ee Carrington.

Nani ayaa markaas ka dib ugu yeeray 20 jirkaas qolka jirdhiska, iyadoo kooxda inteeda kale ay u maleynayeen inay labada ciyaaryahan ka heshiinayeen wixii dhexmaray, lakiin waxaa la soo sheegay inay la yaab ku noqotay ciyaartoyda kale markii Nani uu feer ku dhuftay Petrucci.

Ciyaartoy kale ayaa durabadiiba kala dhexgashay si aysan dhibaato kale u dhicin.



Tababaraha United Sir Alex Ferguson ayaa la sheegayaa inuu ka fiirsanayo inuu talaabo dhanka dishibiliinka ah ka qaado ciyaaryahanka careysan ee reer Portugal kaasoo la bedelay xilligii nashada ee kulankii Liverpool.

Ferguson ayaa la rumeysan yahay inuu ka careysan yahay dhacdadaan, taasoo dhacday bilowgii isbuucaan.

Heshiis 25 milyan ginni looga iibin lahaa Zenit ayaa lagu guuldareystay xagaagii sababtoo ah ciyaaryahanka reer Portugal ayaa dalbaday mushahar xad dhaaf ah.

Daily Mail oo warbixintaan qortay ayaa sidoo kale sheegtay inay la xiriirtay United si ay wax uga yiraahdaan arintaan, lakiin Red Devils ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho.
Comments
Render time: 0.16 seconds 4,522,142 unique visits Top