Deg Deg:Dagaal Goor Dhaw ka bilowday deegaanka Goob-weyn ee Duleedka Kismaayo
Warar hadda naga soo gaaray ayaa sheegaya in dagaal goor dhaw uu ka bilowday deegaanka Goob Weyn ee Gobolka J/hoose halkaasi oo lagu soo waramayo in ciidamo katirsan al shabaab oo wadada gooynayey wadada ugaleen ciidamada Kenya iyo kuwa Somalida.
Dad kusugan magaalada kismaayo ayaa sheegaya in deegaanka Goob weyn oo 6 km ujirta magaalada uu dagaalka hadda ka socdo iyadoona wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan in weli dagaalka socda.
Waxaa la maqlayaa madaafiic xoogan oo la isweydaarsanayo iyadoo aan la ogaan karin khasaaraha kala gaaraya maadaama weli dagaalka uu socdo.
Ciidamada al shabaab ee wadada loo galay ayaa la sheegay inay kusii wajahnaayeen deegaanada loo yaqaano gosho waxaana la sheegay in ciidamada dagaalka wadada ku qabsaday ay ahaayeen kuwii xalay iskaga baxay kismaayo.