MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Wasiirkii Hore Ee Difaaca: Mudnaanta kowaad Sheekh Shariif ayaa leh, Isaga in la doorto ayaa mudan
Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga xukuumadii KMG ahayd ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxa uu sheegay in Shariif Sheekh Axmed uu leeyahay mudnaanta kowaad ee doorashooyinka.

Wasiirka hore ee difaaca C/xakiin Xaaji Maxamud Fiqi oo maanta qudbad ka jeedinaayay Munaasabad balaaran oo goordhow lagu soo gabagabeeyay Hotel City Plaza ee magaala Muqdisho ayuu ku taageeray madaxweyne Shariif.

C/xakiin Xaaji Maxamud Fiqi ayaa isagoo sharaxaad guud ka bixinaaya Shaqsiyaadka Sheekh Shariif iyo waxa uu ka yaqaano ayaa waxa uu yiri” Aniga in muddo kooban waan lasoo shaqeeyay Madaxweynaheena, waxan u ahaa Wasiirkii Gaashaandhiga, in badanna waan ka aqaan “.



” Sheekh Shariif waa halgamaay, waa Muwaadin har iyo habeen ka fakara dadkiisa iyo Dalkiisa, aniga waxan ku sifeen karaa inuu yahay Ruux mar kale mudan in dib loo soo doorto” ayuu yiri Mr Fiqi.

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yiri” Waxaan xasuustaa in Madaxweynuhu uu habeen saq dhexe ah isoo wacay, iguna yiri Bari la soco waa xiligii Ciidamada musharaadkooda la siin jiray, marka sooma mudna in Shariif mudnaanta koobaad la siiyo”.

Ugu dambeyntiina Wasiirkii hore ee Difaaca C/xakiin Fiqi ayaa waxa uu sheegay in Xildhibaanada looga baahan yahay in Codkooda ay ugu shubaan musharrax wanaagsan sida Sheekh Shariif oo kale.
Comments
Render time: 0.02 seconds 4,485,111 unique visits Top