MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
DAAWO SAWIRO:Wararkii ugu danbeeyay ee xaaladda fatahaadda Webiga Shabeelle ee magaalada B/weyne oo ay dad badani ku dhinteen
Xaalad adag ayaa soo food saartay dadka ku dhaqan magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan ka dib markii uu habeen hore ay ku dhufteen daadad xoogan oo ka dhashay roob saacado badan ka da’ayey gudaha iyo daafaha magaalada B/weyne kaas oo ay ku darsameen fatahaad xoogan oo uu sameeyay wabiga shabeelle ee dhexmara magaladaasi, kaas oo fatahaadiisu gaartay inta badan xaafaddaha magaalada B/weyne

Fatahaadan ayaa waxaa sababay roob xoog leh oo qaatay in ka badan Sagaal sacadood oo xiriir ah, taas oo keentay in uu buux dhaafo wabiga Shabeelle biyahana ku soo celiyo xaafaddaha magaalada, kaas oo sababay dhimashada in ka badan 20-ruux oo u badan caruur iyo dad da ah, sidoo kalen waxay daadadkaasi galaafeen boqolaal neef oo xoolo ah, waxayna dumiyeen guryo badan.

Wararkii ugu danbeeyay ee soo baxaya waxay sheegayaan in uu jiro khasaare xoog leh oo ka dhashay fatahaada ku dhuftay magaalada Baladweyne, waxaana dadka ku geeriyooday ilaa iyo hadda ay ku kor u sii dhaafayaan 20-ruux, iyadoo la sheegay in xaafadaha barigu ay gaareen mitir ka badan.

Mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan oo arrintan ka hadlay waxay sheegeen in inta badan la oran karo xaafaddaha magaalada B/weyne dadkii ku dhaqan waa ay ka baxeen, iyagoo ugu baaqay hay’addaha samafalka in gargaar degdeg ah lala gaaro dadka ku guryo beelay fatahaada, kuwaas oo habeenkii koowaad xalay ku hoyday meel duur ah, iyagoo aan heysan cunto iyo dhar.

Dhinaca kale dadkaasi waxaa gurmad xoogan u sameeyay gadiid ay leeyihiin ciidamada Jabuuti ee dhawaan gaaray magalada Baladweyne, kuwaas oo qoysaska qaarkood ka daadgureynayey xaafadaha magaalada ee ay dadku ka soo bixi-waayeen, waxaana meelo badan oo magaalada lagu arkayey dad da ah oo magaalada laga saarayo.

Ma aha markii ugu horeysay oo ay daad ku dhuftaan magaalada B/weyne, waxaana jiray tiro dhowr jeer ah oo sidan oo kale ay dhacday, inkastoo la sheegay in fatahaadda haatan ka dhacday B/weyne ay tahay tii ugu darneyd ee abid ka dhacda magaalada B/weyne







Comments
Render time: 0.03 seconds 4,492,259 unique visits Top