Bankiga Adduunka oo sheegay inuu xafiis ka furanayo magaalada Muqdisho iyo dowladda Soomaaliya oo ka hadashay,s heegtayna…
Ra’isul wasaaraha dowladda Soomaaliya C/weli Maxamed Cali “Gaas} ayaa kulamo gooni gooni ah kula qaatay madax kala duwan xarunta Qaramada Midoobay ee New York, waxaana ka mid ahaa wakiilka Bangiga Aduunka u qaabilsan dalalka Soomaaliya, Suudaan, Wasiirada arrimaha dibadda ee Dermark, Xoghaya guud ee ururka Islaamka, waxayna ka wadahadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomalaiya iyo sidii loogu taageeri lahaa dowladda cusub barnaamijkeeda siyaasadeed.
Ra’iusl wasaraha ayaa kulan la qaatay wakiilka Bankiga Aduunka ee Soomaaliya iyo Suudaan waxayna isla soo qaadeen sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dhanka dhaqaalaha, loona dardargelin lahaa howlaha Bangiga ka wado dalka, wakiilka ayaa sheegay inay soo hagageyso xaalada nabadgalayada sidaas daraadeedna uu Bankiga Aduunka dib uga howlgeli doono gudaha dalka Soomaaliya bilooyinka soo socda.
Sidoo kale Ra’isul wasaaraha ayaa kulan la qaatay wasiirka arimaha dibadda Dermarka wuxuuna Ra’isul wasaaruhu uga warbixiyey marxaladda dalka uu marayo isagoo sheegay in Soomaaliya ay ku tilaabsatay horumar dhanka siyaasadda ah taas oo aan dhicin in ka badan 45-sano, waxaa kale Ra’isul wasaaruhu uu sheegay in dhanka nabad galayada wax weyn laga qabtay lagana xoreeyey qaar ka mid ah gobolada dalka Ururka Al-shabaab dowladuna ku howlantahay barnaamijkii lagu xasilin lahaa Goboladaas.
Wasiiradda arrimaha dibadda ee Dermarka ayaa dhankeeda cadeysay inay balaarin doonaan taageeradii ay siin jireen Soomaliya, waxayna balan qaaday in dowladda cusub ee Soomaaliya ay ka taageeri doonaan dhanka dhaqaalaha iyo siyaasadda iyo sidoo kale tababaridda ciidan xoog leh oo ay hesho.
Ugu dambayntii Ra’isul wasaare Gaas ayaa kulan la qaatay xoghayaha guud ee Ururka Islaamka Prof. Ekmeledin Ixsaan Oogle waxayna isla soo qaadeen sida wadamada Islaamku gacan uga geysan lahaayeen xasilnta iyo dib u dhiska dalka, waxaana Ra’isul wasaaruhu uga mahadceliyay dalalka Islaamka sida deeqsinimada leh oo ay u garab taaganyihiin shacabka Soomaaliyeed, wuxuun ka codasaday ururka Islaamka in looga fadhiyo inay qeyb libaax ka qaataan sidii Soomaaliya cagaheeda isugu taagi laheyd.