MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Maamulka Somaliland oo sheegay in Soomaaliya aysan kala maarmin, ayna dhamaatay maaweeladii aheyd aqoonsiga wuu dhamaaday
Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somaliand Maxamed Nuur Caraale {Duur} oo ka horhadlayey Guddiga joogtada ee gobolada wakiilada maamulka Somaliland ayaa sheegay inay dhamaatay maaweeladii dadka loo sheegi jiray ee aheyd in ictiraafku dhowyahay, isla markaasna uu qarka saaranyahay, wuxuuna taas bedelkeeda sheegay inay lagama maarmaan noqotay in lala hadlo Soomaaliya, iyadana uu hadda ku xiranyahay in dadka reer Somaliland la aqoonsado iyo in kale.

“Somaliya maanta wadahadal ayaa inaga dhexeeya oo inoo socda, waxaa tusaale inoogu filan labada dal ee adduunyada inoogu dhow ee madaxbanaani qaatay waa Ereteriya iyo koonfurta Suudaan, labaduba waxay ku gaareen wadahadalka ay la galeen ciddii ay wax ka dhexeeyeen, inaguna ka fursanmeyno inaynu Soomaaliya wadahadal la wadno si aynu wixii inoo dhexeeyayey aynu u kala guran karno oo aynu u gaari karno heshiis ama la ina dhexdhexaadiyo, markaas anigu maanta waxaan ahay wasiirkii amniga dhammaan dhaqdhaqaayqada koonfurta Soomaaliya ka jiraa saameyn ayey ku leeyihiin Somaliland, haddday nabadgelyo tahay, hadday siyaasad tahay, waxaana warbaahinta ka iri waxyaabaha koonfurta Soomaaliya ka socda war baanu u heynay oo xogogaal baanu u nahay, markaas xog-ogaal baan u ahay aan markale ku celiyee” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga maamulka Somaliland.

Wasiirku wuxuu soo jeediyay in wadahalada u dhaxeeya Somaliland iyo koonfurta Soomaaliya culeys la saaro si ay labada dhinac u kala gurtaan waxyaabihii ka dhexeeyay, wuxuuna yiri “Marka waxaan leeyahay Soomaaliya wax badan baa inaga dhaxayee aynu maaweeladii aheyd ictiraafkii waa dhowyahay oo daaqaduu saaranyahay waan soo arkay oo howshu meel fiican bay mareysaa waynu dhaafnay hadda, waxaynu mareynaa Soomaaliya wadahadal baa inaga dhexeeya, wadahadalkuna wuxuu u baahanyahay in laga mirodhaliyo, inaynu u dirano geesiyaal goob-jooge ah oo himilada ummadan ka soo mira-dhaliya, geesinmaduna waxay ku imaneysaa qof gartiisa sii naqsaday, markaas mar kalena waan ku celinayaa Soomaaliya iyo waxa ka jiraa saameyn ayay inagu leeyihiin”.

Wasiir waxaa la weydiiyay su’aal aheyd wasiir markaad soo dhawaysateen Madaxwaynaha Soomaaliya miyeydaan is laheyn waxaad samayseen gef diblamaasiyadeed?, wuxuuna ku jawaabay “Madaxwaynaha Soomaaliya kalmadihiisa ayaa la soo dhaweeyay, annaga ayaa sarneyna lama oran, cid tirina ma jirto, aniguna isma naqaano ayaan iri.

Sidoo kale wasiirka waxaa la weydiiyey su’aal aheyd Wasiir Baasaaboorkii Soomaaliya oo Hargeysa ka soo baxay ayaan heynaa, mar horena gacanta ayaad ku qabateen oo waad diideen ee hadda maxaa isbedalay?, wuxuuna ku jawaabay “Basaaboorka tirada seddex jeer ayaanu qabanay, laakiin mushkiladda jirtaa waxa weeye dhuumaaleysibaa jira, hadda ciidamada amaanku waxay amar ku qabaan meelkasta oo lagu arko baasaaboorka Soomaaliya inay qabtaan, laakiin waxa waa Online oo macluumaadkii halkan-baa laga dirayaa, qofkiina waa Koombuutarkaas war-wareegaya, laakiin waa sidii Idaacaddii Horyaal oo kale, laakiin ciidamada amaanku waxay amar ku qabaan inay qabtaan ciddii sameynaysaba, golaha wasiirraduna waxbay iska waydiiyeen.
Comments
Render time: 0.03 seconds 4,579,929 unique visits Top