SHABAAB
JACEYLKA ABAALKIISA
DOOD WADAAG
MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
XOG WARAN
XIKMADII JACEYLKA
DABINKII DUMARKA 2
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Ciidamo tababar ugu soo xirmayo degmada Doolow iyo sarkiil aaday dalka Itoobiya si ay
Kulan looga hadlayey sidii loo howlgelin lahaa ciidamo Soomaali ah oo tababar ugu soo dhamaaday degmada Doolow ee dhinaca Itoobiya ayaa shalay lagu qabtay degmada Doolow ee gobolka Gedo, waxaana looga hadlay in ciidamadaasi sida ugu dhaqsiyaha badan ay uga howlgalaan gobolka Gedo.

Kulanka oo u dhaxeeyay maamulada degmooyinka Doolow, B/xaawo iyo Luuq ayaa Guddoomiyaha degmada Doolow C/rashiid Janan oo la hadlay warbaahinta waxa uu sheegay in la isku afgartay waxyaabihii looga wadahadlay shirkaasi gaar ahaan sida loo howgalinayo ciidamada tababarku u dhamaaday.

Guddoomiyaha ma aanu sheegin tirada ciidanka tababarka uu u soo xirmay, hase ahaatee wuxuu tilmaamay in tababarkooda ka dib la geyn doono degmada Garbahaarrey ee gobolka Gedo, halkaas oo ay ka bilaabi doonaan sida uu yiri howlgalkooda ugu horeeya, wuxuuna intaasi ku daray inay sii wadayaan dagaalka ay kala soo horjeedaan Al-shabaab.

Dhinaca kale saraakiil ciidan oo Soomaali ah ayaa dhawaan ka ambabaxay gobolada Bay iyo Bakool kuwaas oo ku sii jeeda dalka Itoobiya si ay uga soo wadaan ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jira, kuwaas oo dhanka xuduudda ka soo bilaabaya socdaal dhinaca dhulka ah, kuna soo gaaraya gobolada Bay iyo Bakool.

Arrintan ayaa qeyn ka ah sida ay sheegeen saraalkiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya qorshaha ciidamada Itoobiya ee jooga gudaha dalka Soomaaliya lagu kordhinayo, isla markaasna lagu gaarsiinayo tiradii dhawaan sheegay Ra’isul wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya oo aheyd in ciidamadooda jooga Soomaaliya la gaarsiin doono 20-ku askari si ay dagaal ula galaan ciidamada Al-shabaab ee weli heysta qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.

Ciidamadan Itoobiyaanka iyo Soomaalida ah ee ka imaan doona dalka Itoobiya ayaa kus oo wajahan gobolada Bay iyo Bakool oo ay intiisa badan ku suganyihiin ciidamada Xarakada Al-shabaab, lamana oga inay gobol kale u dhaafi doonaan iyo inay negaadi ku ahaan doonaan gobolada Bay iyo Bakool oo ay haatan joogaan ciidamo aad u badan oo Itoobiyaan ah, kuwaas oo magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur ka saaray ciidamadii Xarakada Al-shabaab ee mudada dheer maamulayey.
Comments
Render time: 0.05 seconds 4,957,362 unique visits Top