Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in maamul u sameynayso magaalada Kismaayo iyo Axmed Madoobe oo sheegay…
Dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay maamul iyo istaraatiijiyad amni ay u sameynayso magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose oo ay ciidamada Soomaalida iyo kuwa Kenya xalay si rasmi ah ula wareegeen ka dib markii ay magaalada ka baxeen ciidamadii Xarakada Al-shabaab ee horay gacanta ugu hayey.
Taliyaha ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolada Jubbooyinka Jeneraal Ismaaciil Saxardiid ayaa sheegay inay dejiyeen qorsheyaal lagu sugayo amniga magaalada Kismaayo, kaas oo la fulinayo sida uu yiri marka ay si dhameystiran ula wareegaan magaalada Kismaayo iyo deegaanada ku hareeraysan.
Gen. Saxardiid oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xasilinta magaalada Kismaayo ay muhiim tahay, isla markaasna ay ka hortagayaan qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo magaalada ka dhaca, wuxuuna intaasi ku daray inay gacanta ku hayaan garoonka diyaaradaha, dekedda iyo xaafadaha magaalada Kismaayo oo dhan, isagoo sheegay in ciidamo gaar ah loo sameyn doono magaalada iyo sidii ay u sugi lahaayeen amaankeeda, ciidamada kalena ay banaanka ka joogi doonaan magaalada Kismaayo.
Dhinaca kale hogaamiyaha ururka Raaskambooni Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay isna in howlgalada magaalada Kismaayo ay bilowdeen, isagoo ka dhawaajiyey inay isku dayeyaan inay soo xiraan jidadka soo gala magaalada si aysan u dhicin inay ku baxsadaan sida uu yiri saraakiisha Al-shabaab ee horay gacanta ugu hayey, wuxuuna intaasi ku daray in xiritaanka jidadka ay ka kaafineyso in weerar dambe aan lagu soo qaadin gudaha magaalada Kismaayo sida uu yiri.
Sheekh Axmed Madoobe oo hogaaminaya ciidamada Raaskambooni oo ka barbar dagaalamaya ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ayaa sheegay in maamul guud loo sameynayo magaalada, isla markaasna aysan dhici doonin in gebi ahaanba ay ciidamadu gudaha u wadagalaan magaalada, isagoo sheegay in maamulka ay u magacaabi doonaan magaalada iyo ciidamadiisa ay ku sugnaan doonaan gudaha magaalada, wuxuuna intaasi ku daray in maamulkaasi uu yahay mid kmg ah.
Dhanka kale afhayeen u hadlay xarakada Al-shabaab ka hor intii aysan ka bixin magaalada Kismaayo ayaa sheegay inay gaadiid dagaal ay ka gubeen ciidamada huwanta ee qabsaday qeybo ka mid ah magaalada, wuxuuna intaasi ku daray in ciidamadaasi ay ku qasbeen inay dib ugu laabtaan halkii ay ka yimaadeen, isla markaasna ay soo geli-waayeen gudaha magaalada oo uu sheegay inay iyagu si buuxda gacanta ugu hayaan.