IDaacada al shabaab afkooda ku hadleysay ee Andalus oo loo raray Degmada Jamaame (Xog hoose)
Maalmihii dambe idaacada Andalus ee al shabaab iska leeyihiin waxay ka howlgaleysay magaalada Kismaayo waxaana ay tabineysay xiisada dagaal ee ka jiray magaaladaasi.
Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in magaalada Kismaayo laga raray Idaacada Andalus taasi oo qalabkeediina loo weeciyey Degmada Jamaamed ee Gobolka Jubbada hoose.
Maqalka idaacadaasi ayaa gaari karta ilaa 60 km waxaana lagu soo waramayaa in saraakiil sar sare oo katirsanaa al shabaab ay ku taliyeen in magaaladaasi laga raro idaacada loona weeciyo meel ka baxsan kismaayo.
Andalus ayaa waxa ay tahay warbaahin la isku kabay qalab ahaanteeda waxaana jiray dhowr idaacadood ay shabaabku sheegeen inay qaniimo uga qaateen kuwa ka howlgali jiray magaalada Muqdisho ee Caasimada Somaliya.
Wararka qaar ayaa sheegaya in maamulka al shabaab ee gobollada jubooyinka ay doonayaan in idaacada loo soo wareejiyo magaalada Bu’aale ee xarunta Gobolka J/dhexe halkaasi sida qorshuhu yahayna ay usii gudbi doonaan deegaano hoostaga gobollada bay iyo Bakool ee dalka Somalia.