KAALMOY U CODEE
JACEYLKA ABAALKIISA
DOOD WADAAG
MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
XOG WARAN
XIKMADII JACEYLKA
DABINKII DUMARKA 2
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
DAAWO SAWIRO: Madaxweynaha Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda Afrika
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu maanta uu kulan la-qaatay Saraakiil Midowga Afrika ka tirsan, iyagoona ka wada hadlay arrimaha ammaanka iyo Siyaasada dalka.

Madaxweynaha Dowladda ayaa wuxuu Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia uu ku qaabilay Wakiilka Midowga Afrika u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Aboubacar Diarra iyo Taliyaha Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom General Andrew Gutti.

Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadleen arrimaha ammaanka iyo Siyaasada dalka, iyadoo Madaxweynaha uu Ururka Midowga Afrika uu kaga mahad-celiyay taageerada ay u fidiyeen Somaliya.

Madaxweynaha ayaa wuxuu sheegay in Midowga Afrika uu Soomaaliya uu u soo gurmaday xilligii ugu adkeyd sida uu sheegay, isla-markaana wuxuu xusay inaysan ilaawi doonin taageeradii ay Midowga Afrika ugu yaboohday



Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in maal-mahaan uu soo magacaabi doono Raa’isal Wasaarihiisa, kaasoo uu sheegay in uu soo dhisi doono Xukuumad tayo leh, sida uu sheegay.

Aboubacar Diarra ayaa dhinaciisa sheegay inuu diyaar u yahay inuu si qoto dheer leh uu ula shaqeeyo Dowladda uu garwadeenka uu ka yahay Prof. Xasan Sheekh Maxamuud.

General Andrew Gutti ayaa dhinaciisa soo hadal-qaaday dagaalada ay Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Amisom kula jiraan Al Shabaab, isla-markaana wuxuu sheegay inay meelo badan ka xureeyeen sida uu yiri Al Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa booriyay guulaha Ciidamadda Dowladda iyo Amisom ay ka gaarayaan Xoogaga Shabaab, isagoona ugu baaqay inay dalka oo dhan ka saaraan, suggaana ammaanka goobaha ay Shabaabku ka saaraan.






Comments
Render time: 0.05 seconds 4,944,266 unique visits Top