MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
DAAWO SAWIRADA: Madaxweynaha dowlada oo kulan gaar ah la qaatay Ururada Bulshada
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula qaatay xafiiskiisa ururrada bulshada rayidka ee ka howlgalla gudaha Dalka.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa Madaxweynaha Dalka iyo xubnihii ka socday ururrada Bulshada rayidka ay isla falan qeeyaan sida xiligan wax looga qaban karo xaaladda dalka iyo doorka ay ku yeelan karaan samatabixinta iyo hormarka umadda Soomaaliyeed ururrada Bulshada Rayidka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo kulanka khudbad ka jeediyey ayaa tilmaamay in Dowladiisu ay la dagaalameyso musuq maasuqa si loo helo dowlad tayeysan oo gudata waajibaadka ay ka sugayaan shacabka Soomaaliyeed ayadoo dhanka kalena uu Madaxweynuhu tilmaamay in dowladdu ay adkeyn doonto amniga Dalka.

Maxamed Gacal Abkoow oo ka tirsan ururrada Bulshada rayidka oo kulanka khudbad ka jeediyey ayaa tilmaamay in ururrada bulshada rayidka ah ay gacan ka geysan doonaan sidii loo wacyi gelin lahaa dhalinyarada horey loo qalday si ay uga qeybqaataan hormarka dalkooda maadaama ay dhalinyaradu yihiin mustaqbalka dalka.

Kulanka ayaa kusoo gebageboobay jawi wanaagsan waxaana kulankan uu qeyb ka yahay kulammo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud la tashiyo kula sameynayo qeybaha kala duwan ee bulshada kuwaasi oo la xiriira samatabixinta iyo hormarinta Dalka.
Comments
Render time: 0.04 seconds 4,573,518 unique visits Top