MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
(DAAWO SAWIRO)Mudaharaad lagu taageeraayo Musharax Farmaajo oo Muqdisho ruxay
Waxaa manta Magaalada Muqdisho ka dhacay banaanbax ay ka soo qayb galeen kumaanan ka tirsan Shacabka Magaalada Muqdisho.
Banaanbaxayaasha oo aad u badana ayaa waxaay iskugu soo baxeen Wadada Maka Al Mukaraama ee Bartamaha Magaalada Magaaalada Muqdisho waxaayna ku qaylinayeen taageerada ay u hayaan R/wasaarihi hore ee Somalia Mudane Maxamed Cabdilahi Maxameed Farmaajo oo asagu ka mid ah Musharaxiinta lo saadaalinaayo in ay ku gulaystaan Doorashada Madaxweynenimada Somalia ee Magaalada Muqdisho ka dhacaysa Maalinta Isniinta.
Bananbaxayeesha oo watay boorar u ku xardhan yahay R/wasaarihi hore ee Somalia Mudane Maxamed Cabdilahai Maxamed Farmaajo ayaa waxaay socod ku soo mareen inta badan Magaalada Muqdisho ayaago mujinaya Shucurtooda .
Muuse Xaayow oo ah Oday Somaliyeed oo jira 80 sano ayaa ka mid ahaa Mudaaharadayaashi manta ka soo qaybgalay bananbaxii lagu taageerayay Musharax Farmaajo asago saxaafada la hadlayaana waxaa uu yiri.
“Aniga waxaan ahay Awoowe Somaliyeed waxaan jira 80 sano Cafimaadkaygana ma ficnayn waxaa manta bananka isoo bixiyay in aan cimrigayga inta ka dhimaan nabad ku qaato oo Dowlada soo socota aan ka helno daryeel Caafimad iyo Xanaano Shalay markaan dhagaystay Khudbadi Farmaajo waxaay igu riixday in aan manta ka soo qayb galo bananbaxaan anigoon caafimad ahaan ficnayd Farmaajo waxaan u arka ninka kaliyah ee Wadanka samatabixin kara islamarkana nadiif ka ah waxyaabo badan Farmaajo waxaan u arka ninki na xanaaneyn laha hadaan nahay Wayeelada Somaliyeed Xubnaha Barlamanka Cusub waxaan ka codsanayna in ay codkooda siiyaan Mudane Farmaajo” ayu yiri Muuse Xaayow.
Dadki manta iskugu soo baxay bananbixi lagu taageerayay Musharax Farmaajo waxaa ka mid ahaa Ex: Xildhibaan Muuse Cali Jamaac oo ka mid ahaa Xildhibaanadi hore ee Somalia Muuse waxaa uu Xildhibaanada nasiibka u yeeshay in ay galaan barlamanka cusub ka codsaday in ay codkooda siyaan Musharax Farmaajo oo aan u arko shaqsi nadiif ah oo Soamlia qaadsiinkara tubta toosan.
Sido kale Anigo ku hadlaya Magaca Xildhibaanadi hore ee Somalia waxaan ka codsanaya in xildhibaanada cusub ay no hiliyaan si aan u helno balanqaadki Farmaajo uu u sameeyay Xildhiibaanadi hore ee ahaa in uu siin doono Mushaarki ka maqna 10 ki bilood ee Cabdiweli gaas Xukunka hayay iyo sido kale in uu Xildhibaanadi hore siin doono lacag howlgab ah ” ayu yiri Xildhibaan Muuse Cali.
Hoyo Caasha Cabdili oo ka mid ah Hoyooyinka dagan Magaalada Muqdisho oo ayadana dareenkeeda mujinaysay ayaa waxaay sheegtay in Golaha barlamanka cusub ee Somalia ay si toos ah u mataalan Shacabka Somaliyeed Shacabka Somaliyeed meel kasta uu jogo na uu mujiyay dareenkooda iyo cida ay rabaan marka Aniga uma tilmaamayo Shaqada Barlamanka Cusub ee Somalia wa in ay go,aamiyaan dareeenka Shacabka ay mataalan ayay tiri hoyo Caasha Cabdile.
Bananabaxaan oo dadki ka hadlay aay aad u badnayeen ayaa waxaa uu aha mid si nabad galyo ah ku socday ayado dibadbaxayaasha ay si dagaan oo ilbaxnimo ku jirto dareenkooda u mujinayeen ayaa waxay ugu danbeyn ku soo Aruureen hoyga uu Magaaalada Muqdisho ka dagan yahay Musharax Maxamed Cabdilahi Maxamed Farmaajo halkaas oo bananbaxayaasha ay si guud codsi ugu direen Xubnaha Barlamanka Somalia kaas oo ay ku codsanayeen in ay dortaan Musharax Maxamed Cabdilahi Maxamed Farmaajo.
Bananbaxa lagau taagerayay Musharaxnimada Maxamed Cabdilahi Maxamed Farmaajo ee ka dhacay saka magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ku soo adaya xili maalinta bari ah lagu wado in Magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada barlamanka Somalia ayado Xubnaha ugu cad cad in ay ku gulaystaan doraashadaasina ay ka mid yihiin Musharax Maxamed Farmaajo, Musharax Sh. Shariif Sh .Axmed , Musharax Cabdilahi Axmed Cadow Musharax Cabdilahi Baadiyow Musharax Cabdiweli Cali Gaas.






---------------------------------------
Axmednuur Maxamed
Muqdisho-Somalia
Comments
Render time: 0.03 seconds 4,570,992 unique visits Top