Pele Oo Ku Tilmaama Xulka Spain Inuu Yahay Kan Ugu Wanaagsan Adduunka
Halyeygii hore ee kubbada cagta dalka Brazil Pele ayaa ku tilmaamay xulka Spain inuu yahay wadanka ugu wanaagsan ciyaarta kubbada cagta caalamka, laakiin waxa uu sheegay in uusan hubin in xulka Spain uu dib u soo ceshan karo koobka adduunka ee 2014.
“Sida ay noqon doonaan ciyaaraha adduunka ee soo socda ma garanayo, balse maanta waa xulka ugu fiican adduunka,” ayuu Pelé ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada London.
Pele ayaa sheegay in uu il gaar ah ku eegayay kooxda Vicente del Bosque tan iyo sanadkii 2008dii uuna koritaankoodii sanadihii la soo dhaafay la socday.
Pele waxa uu sheegay in guulaha uu gaaray xulka Spain ay ku timid wadajir ay ku ciyaaraan halkii uu hal ama labo ay kooxdu ku tiirsanaan lahayd.
“Aad ayaan u jeclaaday sababtoo ah muddo afar illaa shan sano ah ayaan daawanayay xulkan,” ayuu yiri Pelé.
“Sanadahaa oo dhan si wanaagsan ayay u ciyaareen. Koox wanaagsan ayay haystaan. Mana aha koox shaqsi shaqsi u ciyaarta.”
Inay ciyaaryahanadan sii wadaan dadaalkooda oo ay markii ugu horeysey wadan ku yaal qaarada Yurub uu kuguuleystokoobkii ugu horeeyay ee ciyaaro ka dhaca Koonfur Amerika lama hubo.
“Shaki kuma jiro, inay noqon doonaan xulalka ugu wanaagsan ee ka ciyaaraya Brazil 2014,”