Saxaafaddu waa Buunka nabadda, waxa ay soo bandhigtaa Dhibaatooyinka Qarsoon iyo kuwa Muuqda waxayna u dooda dadka Bulshada afka Juqda gabay
Saxafadu waxa ay ka careysiisa Gacan ku dhiigle, Siyaasi, waxa ayna u arkaan mid cadow ku ah, Saxaafadda malahan saaxiib joogta ah marba waxa ay beegsata halka ay Colaada ka taagantahay dhankey doonto ha ahaate iyada oo loo adeegsanaayo Qaanuunka Sagaashameeydii la qoray
Saxaafadu waxa ay ololisa Siyaasada waxa ayna dhulka ku dartaa Daaraha Siyaasada laga maamulo mid dowladeed iyo mid gaar ahanba, waxa ayna kaalin buuxda ka gashay Kaalinta Sadaxaad
MICNAHA. Qoraaga waxa uu leeyahay Cadow Joogta ah xiliga uu ka shaqeynaayo ''Media, Tv, Web-sed, Jar'aaidka warqadaha ah'' marka loo eego waxaa inta badan Cadow yeesha Saxafiga Soomaaliga ah maadama Saxaafadda Somalia ay ka tagtay Qaanuunka Saxaafadda Islamarkaana u shaqeso sida ay maankeeda ka maagto kuna tiigsato Shaqsiga ay u aragto Cadowha.
TUSAALE:- Inta badan Saxaafadda Somalia Gaar ahaan Webseedada Soomaalida waxa ay qiyaano ku sameeyan ama si xatooyo ah u qaatan Maqaalada iyo warbixinada iyaga oona ka tir-tira magaca Qoraaga ama halka warbixintaasi laga soo xigtay, waxaa laga tagay Qaanuunka saxaafadda iyo xuquuqda Qoraga, waxaa soo dag dagay in Webseedada qaar ay iska indha tiraan Juhdiga ama dadaalka ku baxay qormadaasi
Shaqsi ahaan waxan ka cabanaaya in Maqaaladeyda leyga xatooyeeyay laguna qortay Magac aan ahayn Ruuxi qoray Maqaalkaasi, waxaa sidoo kale laga tagay Webseedka laga soo xigtay Warbixintaasi ama Maqaalkaasi lagu cabiraayo xaaladda markaasi ka taagan Somalia
Waxaa batay Burcad Saxaafadeeda Webseedada, Webseedada qaar ayaa u dhaqmaaya Sida ''Maleeshiyo qalimeedka'' waxa ayna quutan Xadista Qormooyinka xili waliba waxa ay dul fadhiyaan Interneedada iyaga oo baadi goobaya halka ay kasoo xadi lahaayen warbixinadda, Nasiib daro ku habsatay Saxaafadda Somalia waxa ay soo dadajisay in Webseedo dhowr ah lagu arko Maqaal laga tir tiray magaca qoraaga laguna saxiixay magac kale laga yaab ruuxa Maqaalkaasi lagu saxiixay inusan Qoraal burqin karin wahadii arintaasi laga helo
Warbaahinta ugu afka dheer Sida Allbanaadir,Saafifilms,Jowhar, markonews, Dayniile,soomaalidamaanta,dhacdo, IWM ayaa iyagu ka cabanaaya qaladaadka loo geysanaayo qormooyinkooda kuwaasoo xili waliba la maamusho Qormooyinkooda lagana tago xuquuqda , websedada qaar ee Afka somaliga ku baxa ayaa iyagu u dhaqmaaya sida Ururada isku haysta Gayiga Somalia, Qalinkeyga ma awoodo inuu soo bandhigo Tiro webseed oo aan garanaayo qaabka ay ku shaqeeyan iyaguna mahan kuwa ku cibra qaata fadeexada kaga imaaneysa dhanka aqristayaasha
FARIIN. Webseedada ku shaqeysta inay Copy - Paste dhahaan Warbixinada ay isku dayaan inay indha indheyan xaalada dhabta ah ee xiligaasi ka jirta Somalia .. Shaqsiyaadka Xada Maqaalada aysan lahayn kuna qortaan Magacyadooda waa inay isku dayaan inay Maskaxdooda ka Burqiyaan iskuna dayaan inay qori karaan Xaalada Xamar kataagan kana fogaadan inay qaatan maqaal waqti badan lagu dhumiyay si looga bad-baado Ceybta iyo sumcadarida kaga imaan karta Maqaalkaasi maadama Bulshadu ay aqriyaan Webseed waliba
Gabagabo iyo Gunaanad waxan Burcad Saxaafadeeda ugu baaqaya inay ka qajilaan waxa loo yaqaan Xumi tashiilka iskuna dayaan in Maqaaladooda iyo qoraaladooda ay ku saleeyan xaalada dhabta ah kana xishoon wax waliba ee jira