MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
War Deg Deg Ah Al-Shabaab oo Qiratay in Kismaayo gudaha usoo galeen Ciidamada Kenya iyo Duqeymo hada ku socda Magaaladaasi
Warbaahinta Xarakada Al-Shabaab ayaa goordhaw shaaciyay in Ciidamada Kenya iyo kuwa Dowlada Soomaaliya ay gudaha usoo galeen qeybo kamid ah Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Warbaahinta Shabaab waxa ay sheegeen in Ciidamadan Huwanta ah ay dhinaca Badda kasoo galeen Magaalada hadana ay kusugan yihiin Qeyb kamid ah Magalaada gaar ahaan dhulka xeebta ah ee Magaaladaasi.

Magaalada Kismaayo hada waxaa ka jira abaabulkii ugu dambeeyay ee Shabaab dadka ku amrayaan in ay Dagaalka Kismaayo ka qeyb ka qaataan maadama Cadowgooda uu Magaalada qeybo kamid ah soo galeen.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa dhankooda toos u tabinaya Dagaalka kasocda Magaalada Kismaayo iyadoona Wariyaasha Idaacdaaasi iyaga oo qorya wata kuna sugan jiidaha Dagaalka soo tabinayaan sida ay wax u socdaan.

Sidoo kale Idaacada Waxaa ka hadlaya Saraakiil sar sare oo katirsan Al-Shabaab kuwaa oo dadka ku boorinaya in ay Jihaadka ka qeyb galaan ayaana xoojiyaan difaaca Magaalada Kismaayo.

Saraakiisha ka hadlay Idacada waxaa kamid ah Sheekh Cabdi Casiis ABuu Muscab Afhayeenka Al-Shabaab waxa uuna sheegay in Ciidamada Kenya ay Badda kasoo galeen Magaaladaasi sidoo kale Diyaradaha dagaalka ay magaalada Dul heehaabAyaan isagoo xusay in ay dhulka soo dhigi doonaan Diyaaradahaasi.

Wararka qaar aan Magaalada ka heleyno ayaa sheegaya in Duqeymo Culus ay Magaalada kusocdaan inkastoo Dagaalkii labada dhinac u dhaxeeyay uu hada qaboobay.

Ciidamo kale oo katirsan Dowlada iyo Kenya ayaa kasoo dhaqaaqay Deegaanka Janaay Cabdalle ee Duleeda Magaalada Kismaayo kuwaa oo doonaya in dhinaca Dhulka ay kasoo galaan Magaaladaasi.
Comments
Render time: 0.03 seconds 4,551,350 unique visits Top