Afhayeen kooxda Shabaab ayaa goordhow war kasoo saaray xaaladda Magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose halkaas oo ay xalay gudaha ugaleen ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom.
C/Casiis Abuu Muscab ayaa sheeay in aysan jirin wararka sheegaya in ciidamada kenya ay gudaha ugaleen magaaladda, laakiin ay jirto duqeyn diyaaradeed.
“ma jiraan warka gaalada ee ah inay magaalada qabsadeen, waxaana ciidamadeena ay kusugan yihiin difaacyada”ayuuu sheegay Afhayeenka Shabaab.
Sidoo kale waxaa uu shacabka ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dagaalka oo uu ku sheegay jihaad udhaxeeya Muslim iyo Gaalo sida uu hadalka udhigay.
Dhanka kale Waxaa uu sheegay in diyarado dagaal iyo maraakiib ay duqeyn ku hayaan magaaladda ayna diyaariyeen ciidamadii iska celi lahaa duqeyntaas.
Idaacada ku hadasha Afka Shabaab ayaa haatan tabinaysa hadalada Shabaab ay dadka ugu baaqayaan in ay ka qeyb qaataan dagaalka, sidoo kale waxaa ay sii daynayaan aayado quraan ah iyo daraasiin diini ah.
Hadalka Shabaab ayaa kusoo aadaya xili Militeriga dalka Kenya iyo kuwa dowlada Soomaaliya ay gudaha ugaleen magaaladda, qeybo kamid ahna ay ka soconayaan duqeyn xooggan.