Ciidamada Kenya Oo Dib Uga Soolaabtay Magaalada Kismaayo Halkee ay Hada Kusugan yihiin?
Wararkii ugu danbeeyay ee haatan naga soogaaraayo Magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamadii Huwanta ahaa ee iskaa shanaayay kuwaas oo Saakay ku kalahay Magaalada Kismaayo Xaafado kamid ah ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa waxaa lasoo sheegayaa in halkaasi ay dib kaga soolaabteen Ciidamadaan kadib markii la sheegay in halkaasi lala kulmeen iska cabin xoogan oo kaga imaaneysay dhanka Al-Shabaab.
Sidoo kale wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamadaan huwanta ah ay kusugan yihiin haatan Degaanka Ceeldhiig kaas oo Qiyaastii 4-KM banaanka ka ah Magaalada Kismaayo halkaasoo ay haatan kasocdaan dagaalo xoogan oo u dhexeeya Ciidamadaan Iskaashanaya iyo Xoogaga Al-Shabaab.
madaafiic culus ayaa waxaa laga maqlayaa guda Magaalada kuwaas oo ay ku garaacayaan Maraakiibta Ciidamada Dalka Kenya ee kusugan Xeebaha Kismaayo waxeyna wararka intaa raacinayaan in duqeen ciraka ahna ay halkaasi kasocoto.
lama oga sababta kadanbeysa weerarkii ay qaadeen Saakay Ciidamadaan Iskaashanaya kaas oo ahaa qorshihiisa sidii ay ula wareegi lahaayeen Magaalada Kismaayo in ay dib kaga soolaabtaan.
dadka qaar ayaa waxa ay ku micneeyeen dib kaga soolaabashadaan in ay noqonkarto xeelad mala tari hasayeeshee maca.
Saakay aye aheed markii Ciidamada Kenya iyi kuwa Soomaaliya ay weerar Culus ku qaadeen Magaalada Kismaayo kaas oo ahaa qorshaha in ay la wareegaan gacan ku heenta Magaalada Kismaayo in kastoo aysan taas suurta galin.