KAALMOY U CODEE
JACEYLKA ABAALKIISA
DOOD WADAAG
MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
XOG WARAN
XIKMADII JACEYLKA
DABINKII DUMARKA 2
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Qaab Noocee ah ayay maanta Warbaahinta Kenya utabinaysaa Xaaladda Magaaladda Kismaayo ‘Warbixin”
Warbaahinta Kenya ee Maqalka, Muuqaalka iyo kuwa Akhriska ayaa saakay si weyn kaga hadlaya xaaladda Magaaladda Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.

Sababta ugu weyn ee ay saxaafada uhadalhayaan xaalada Magaaladaas Soomaaliya kutaal-na waa in ciidamo dalkooda ka socda oo kamid ah Amisom ay hogaaminayaan howlgalka.

Qaar kamid ah Tv-yada Kenya iyo sida ay kaga hadleen Arinta Kismaayo

Tv-ga KBC– Waa Tv-ga qaranka dowlada kenya waana kan ay xogta ugu badan ee dhanka dowlada ah ay kusoo dhacdo, waxaana saakay uu si deg deg ah usoo tabiyay xaaladda Magaaladda Kismaayo.

” Ciidamada Militeriga Dalka ayaa gudaha ugalay magaaladda Kismaayo, waxaana ciidamada ay la warageen xarumihii Shabaab ee magaaladda’ ayuu sheegay Tv-ga.

Tv-ga Citizen— Waxaa uu kamid yahay kuwa ugu afka dheer ee ka howlgala gudaha dalka Kenya, waxaana uu mar walba si dhow uu usoo tabiyaa xaaladda Magaaladda Kismaayo.

Markii uu arintan kahadlayay ayaa tv-ga waxaa uu udhigay Ciwaankiisii ” Ugu danbayntii ciidamada Militeriga Kenya waxaa ay la wareegeen magaaladda dekada leh ee Kismaayo”.

Waxaa uu Tv-ga soo xigtay Afhayeenka Militeriga Kenya oo sheegaya in ciidamada ay xalay saqdii dhexe gaareen magaaladda gudaheeda kadin howlgal qorshaysan.

NTV– Waxaa uu kamid yahay Tv-yada ka howlgalada gudaha dalka kenya ee sida aadka ah loo daawo ‘tv-gan oo qeybta hoose ee wararka kusoo qoray war deg deg ah ‘Ciidamada Kenya oo katirsan Howlgalka Amisom ayaa qabsaday Kismaayo kadib Howlgal qorshaysan oo ay fuliyeen.

“Howlgalkan ayaa la diyaariyay maalmihii lasoo dhaafaym, waxaana ciidamada Militeriga Kenya ay magaaladda ka joogaan dhanka dhulka, cirka iyo badda.

IDAACADAHA ka howlgala Dalka Kenya iyo sida ay wax ugu sheegeen Xaaladda Kismaayo

Idaacada Star FM—- Waa Idaacad ku hadasha Luuqada Afka hooyo ee Soomaaliga, waxaana ay kamid ahayd Idaacadihii ugu horeeyay ee sheegay Howlgalkii lagu galay gudaha magaaladda Kismaayo.

Waxaa ay Idaacadu hadalkeeda udhigtay ‘Ciidamada Amisom oo ay kamid yihiin kuwa Militeriga Kenya ayaa gudaha ugalay Magaaladda Kismaayo.



Idaacada ayaa soo xigatay Afhayeenka Militeriga Kenya oo sheegay in ciidamada ay magaaladaas galeen xalay abaare 2-dii saqda dhexe.

Idaacada Capital FM– Idaacadan waxaa ay kamid tahay kuwa ugu dhagaysiga badan gudaha dalka Kenya, waxaa ay warkaan sheegtay aroortii hore gaar ahaan warkii 6-da.

Akhriyaha Warka ayaa markii qodobadii uu dhameeyay waxaa uu kusoo galay si deg deg ah isagoo yiri ‘Ciidamada Militeriga Kenya ayaa ugu danbayntii howlgal ku qabsaday magaalo dakadeedka Kismaayo

‘Afhayeenka Militeriga Kenya Cyrus Aguna ayaa xaqiijiyay howlgalka gudaha ay ugu galeen ciidamada Militeriga Kenya gudaha magaaladda.

Idaacada QFM— Waxaa ay kamid tahay Idaacadaha ka howlgala gudaha Kenya ee sida weyn loo dhagaysto,, Waxaa ay sheegtay in ciidamada Kenya ay mudo kadib gudaha ugaleen magaaladda Kismaayo .

Warka ku aadan Xaaladda Kismaayo waxaa kale oo iyagana si weyn uga hadlay Wargaysyada Kenya

Standard– Waxaa uu kamid yahay kuwa ugu afka dheer Kenya waxaa uu warkiisa saakay ciwaan uga dhigay ’Xooggii Al-Shabaab-ka Kismaayo oo la jabiyay.

Militeriga Kenya oo qeyb ka ah Howlgalka Amisom ayaa Al-Shabaab kala wareegay magaaladdii ay ku xooganaayeen ahaydna xaruntoodii ugu balaarneyd ee Kismaayo.

La wareegida Magaaladda ayaa waxaa ay ka xaqiiqsadeen Afhayeenka Militeriga Kenya Cyrus Aguna oo sheegay in magaaladda Howlgal qorshaysan lagu qabtay.

Wargayska The Daily Nation-— Ciidamada Kenya oo la wareegay gacan ku haynta Magaaladdii ay Shabaab ku xooganaayeen ee Kismaayo.

Wargayska ayaa sheegay in warkan uu kaso xigtay Afhayeenka Militeriga Kenya isagoo sidoo kale ugu baaqay shacabka magaaladda Kismaayo in ay isdajiyaan oo ay kusoo bixin goobaha ay ciidamada kusugan yihiin.

Intaaas ayaan kusoo gaba gabaynaynaa Qormadan kahadlaysa qaabka ay Warbaahinta Kenya maanta utabisay Xaaladda Kisamayo.
Comments
Render time: 0.29 seconds 4,941,388 unique visits Top