Kenya: Waa inaan la joojin taageerada dowlada Soomaaliya iyo howsha lagu qabanayo Koofurta Soomaaliya
Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa khudbad dheer kaga hadlay xaaladda Soomaaliya kadib markii uu ka qeyb galay kulankii Xaaladda Soomaaliya looga hadlay ee ka dhacay New York.
Madaxweynaha KENYA Mwai Kibaki ayaa si cad usheegay in dowladiisa ay sii wadayso dadaalkeeda ku aadan taageerada ay siinayso dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed.
‘kenya waxaa ay si dhow utaageertay dowlada Soomaaliya iyo howlgalka lagu soo celinayo amaanka, sidoo kale waxaan soo dhaweynay barakacayaal Soomaali ah oo boqolaal kun ah diyaar ayaana unahay inaan sii wadno’ayuu sheegay Madaxweynaha dalka Kenya.
Isagoo hadalkiisa si wata ayaa Madaxweynaha dalka KENYA Waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay haatan gashay xaalad cusub oo hadii aysan beesha caalamka garab istaagin ka dhigi karta mid fashilanta.
“Waxaa fashilmi kara qorshaha cusub ee hada bilowday madaxweynaha cusub iyo dowlada uu soo dhisi doono waa ay guul daraysan doonaan hadii aysan caalamka garab istaagin’ayuu sheegay Kibaki.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in qabashada magaalooyin waa weyn oo kuyaal gudaha Soomaaliya oo ay Shabaab gacanta ku hayaan ay sahli karto Soomaaliya oo cagaheeda isku taagta lana jaan qaadda caalamka intiisa kale.
Waxaa uu tilmaamay in Militeriga Itoobiya oo qeyb ka ah ciidamada Amisom ay kaalin mug leh ka qaadanayaan xal uhelida Soomaaliya ayna taageeri doonaan dowlada cusub.