Madaxweynaha cusub ee dowlada Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa Khudbad heer sare ah ka jeediyay shirka QM ee ka soconaya magaaladda New York ee dalka Mareykanka.
Kulankan oo si gaar ah looga hadlayay xaaladda Soomaaliya ayaa waxaa shir gudoominayay Xoghayaha Guud ee QM Waxaase furay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.
“Aad ayana ugu faraxsanahay inaan anigoo Muqdisho jooga si toos ah uga qeyb galo kulankan waxaana umahadcelinayaa Madaxda beesha caalamka ee kulanka kusugan’ayuu sheegay Madaxweynaha dowlada oo ka dhex muuqday dish dhaxyaalay goobta kulanka uu ka socday.
Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay qdodobada uu xiligan muhiimada siin doono.
Waxaa uu sheegay in Arimaha amaanka ay tahay tan ugu horeysa ee uu diirada saari doono, sidoo kalana uu wax kabadali doono dhanka dowlad wanaaga.
“Waxaan ka shaqeyn doonaa ugu horeyn dhanka amaanka, dowlad wanaaga iyo isla xisaabtanka’ayuu sheegay Xasan Sh Maxamuud.
Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya ayaa dhanka kale sheegay in uu dhawan soo magacaabi doono Ra’isul Wasaare wax tar leh kaas oo isbadal ku keena dalka.
Arimaha kale ee uu shirka ka sheegay ayaa waxaa kamid ah inay beesha caalamka badalaan fikirka ay ka qabaan Soomaaliya .
‘Beesha caalamka waa inay badalaan fikirka qaldan ee ay Soomaaliya ka aamisan tahay, axaan hadda rabnaa inaan dhisno Soomaaliya cusub, si wixii khaldamay loo saxo, dalkana loogu hoggaamiyo hab ku dhisan caddaalad, annagoo go’aansannay inaan dhisno jamhuuriyaddii saddexaad,” ayuu yiri madaxweynaha.
Madaxweynaha dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in beesha caalamka oo garab kusiisa xilkiisa uu Soomaaliya ka dhigi doono mudo yar wadan aad loo jeclaado.
Sidoo kale Xasan Sh Maxamuud ayaa kahadlay dhibaatada haysata shacabka, dagaalka kadhanka ah Shabaab iyo qodobo kale.
Madaxweynaha ayaa dhawaan si cad usheegay inuusan aadi doonin Mareykanka oo uusan ka qeyb gali doonin kulanka QM iyo kan wadamada caalamka maadaama ay horyaalaan howlo badan oo ay kamid tahay soo magacaabida Ra’isul Wasaare wax tar leh.