Generaal Indhacade oo sheegay in hubkii Dowlada wadooyinka Muqdisho lagu kala iibsado
Maalinimadii sabtidii ayay ahayd markii ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Itoobiya ay kala wareegeen Al-Shabaab gacan ku haynta deegaanka Awdiinle ka dib dagaal dhex maray labada dhinac oo ay ku dhinteen ilaa 7- qof halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen.
Sheekh Yuusuf maxamed Siyaad Indhacade oo kamid ah saraakiisha ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in wadooyinka Magaalada Muqdisho lagu kala iibsado hub kala duwan.
Indhacade ayaa sheegay in Madaxweynaha dalka iyo sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya aysan garan karin halka lagu iibiyo hubka balse uu sheegay Saraakiisha ciidanka iyo kuwa Nabadsugida ay garanayaan meelaha lagu iibiyo hubka ee ku yaala Magaalada Muqdisho.
Gen. Indha-cadde ayaa sheegay in kala iibsashada hubkaasi ay sii hurineyso falalka amni darro ee xiliyada qaar ka dhacay degmooyinka gobolka Banaadir wuxuuna ugu baaqay dhamaan ciidamada kala duwan ee dowlada iney qaadaan tallaabooyin ay kaga hortagayaan kala iibsashada hubka,isagoona ka codsaday madaxda dowlada Soomaaliya iney go’aano ka soo saaraan arintaasi.
Generaal Indhacade ayaa sheegay in dilalka maalmahan dambe kusoo batay Magaalada Muqdisho ay masuul ka yihiin rag Shabaab ah oo uu sheegay inay Magaalada dib ugu soo noqdeen ayna ka dambeeyaan falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka ee Magaalada.
Shacabka ayuu sheegay inay ku dhexjiraan balse sida fudud ee lagu ogaan karo kaliya ay tahay soo wargelinta laamaha ammaanka iyadoo shacabka ay la shaqeynayaan laamaha ammaanka si looga hortago fal hagardaamo ah uu maleegi lahaa ruux Shabaab ah.