MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Wararkii ugu dambeeyay ciidamada Itoobiya oo dad ay ku jiraan ganacsato ku xiray B/weyne, kuwo kalena dilay ka dib markii…
Ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa shalay toogtay labo nin oo dhalinyaro ah oo ay ka soo qabteen bartamaha magaalada wax yar ka dib markii bambo gacmeed lagu tuuray askar lugeyneysay oo Itoobiya ah.

Qaraxa ayaa sida ay sheegeen dad goob-joogayaal ah oo ku sugan magaalada waxa uu ka dhacay bartamaha magaalada barqanimadii shalay, waxaana bambada nooca gacanta laga tuuro ah lala beegsaday askar Itoobiyaan ah oo lug ku dhex mareysay magaalada, kuwaas oo markii la weeraray ka dib qabqasbasho ka bilaabay, waxayna toogteen labo wiil oo ka mid ahaa dadkii la qabtay.
Illaa labatameeyo ruux oo ay ku jiraan gacansato ku sugnaa goobo ganacsi iyo dad suuqley ah oo xilligaasi ku sii socday suuqa ayaa ka mid ahaa dadka ay shalay qabteen ciidamada Ethiopian-ka kuwaas oo la sheegay in qaarkood la hayey illaa xalay, halka la dilay labo ka mid ah dadkii la qabqabtay.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Hiiraan ee dhanka amniga Axmed Axmed Inji oo wax laga weydiiyay dadka la qabtay iyo toogashada magaalada ka dhacday ayaa sheegay in askarta Ethiopian-ka lagu weeraray bambo, isla markaasna aysan ogeyn sida wax u dheceen, wuxuuna intaasi ku daray inay wadaan baaris arrintaasi ku aadan iyo sidii dadka ay qabsadeen Ethiopianka looga soo siideyn lahaa.

Magaalada B/weyne oo ay ku sugan yihiin ciidamada Itoobiya oo aan ka tirsaneyn AMISOM iyo tiro ka mid ah askarta wadanka Jabuuti oo ka tirsan howlgalka AMISOM ayaa dadku waxay had iyo jeer dhibaato kala kulmaan ciidanka Itoobiya ee magaaladaasi ku sugan gaar ahaan xilliyada ay dhacaan qaraxyada iyo weerarada lagu qaado goobaha ay joogaan ciidamada Itoobiya, illaa bishii July ee sanadkan in ka badan 25 ruux ayey Ethiopiuanka siyaabo kala duwan ugu dileen gudaha magaalada Beledweyne iyo bannaankeeda iyadoo dadka qaar wabiga lagu tuuray meydkooda markii la toogteen.
Comments
Render time: 0.03 seconds 4,505,909 unique visits Top