Wasiir ku xigeenka amniga Puntland:- Madaxweyne Faroole 5-sano ayuu xilka heynayaa, cid ka hadli kartana ma jirto
Wasiir ku xigeenka amniga maamulka Puntland C/raxmaan Cismaan Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa uga digay dadweynaha reer Puntland inaan laga hadli karin muddo kororsiga halka sano ee uu dhawaan shaaciyey Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole.
Wasiir ku xigeenka oo wariyaasha kula hadlay xarunta maamulka gobolka Bari ayaa sheegay in dadka aysan ku mashquulin wax uu ugu yeeray arimaha dimuqraadiyada iyo doorashooyinka golaha deegaanka, isla markaana cidii ka hortimaada laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan, sida uu yiri.
“Waxaan dadka u sheegeynaa looma baahna in mudada shanta sano ee dastuurka ku qoran waqti la isga qaado, dastuurka Puntland baa sheegaya in Madaxweynuhu 5-sano xilka heyn doono” ayuu yiri wasiir ku xigeenka oo diginiin culus u jeediyay siyaasiyiin uu sheegay inay mucaarad ku yihiin maamulka Puntland.
Wasiir ku xigeenka arrimaha amniga Puntland oo ka hadlayey maamuladii ka horeeyay oo aan wax xil korarsi ah sameynin iyo sida uu maamulka hadda jira u sameynayo xil-korarsi ayaa waxa uu ku dooday in xilligii maamulkii Madaxweynihii hore Gen. Cadde Muuse Xersi uu dastuurka Puntland qabyo ahaa sidaa dasrteedna uu xilka Cadde Muuse ku ekaa afar sano oo keliya, wuxuuna yiri isagoo arrintaasi ka sii hadlaya “Hadda dastururkii waa la ansixyey isagaana sheegaya in Madaxweynuhyu xilka heynayo shan sano”.
Hadalka ka soo yeeray wasiir ku xigeenka amniga Puntland ayaa ku soo aadaya iyado siyiin ka soo jeeda deegaanada Puntland ay si weyn uga soo horjeesteen in muddo korarsi uu sameeyo maamulka Puntland, sidoo kalena waxaa jiray banaanbaxyo looga soo horjeeday mudo korarsigaasi oo ka dhacay degmada Qardho ee gobolka Karkaar.