SHABAAB
JACEYLKA ABAALKIISA
DOOD WADAAG
MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
XOG WARAN
XIKMADII JACEYLKA
DABINKII DUMARKA 2
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Somaliland oo magangalyo siinaysa qaar kamid ah Saraakiisha Shabaab, amaantayna Madaxweynaah cusub iyo Kooxda Al Islaax
Kooxda Al-Shabaab ayaa laamo kala duwan ku leh inta badan gudaha dalka Soomaaliya, waxaana la aamisan yahay in aas- aaska Shabaab ay hormuud ka yihiin rag kasoo jeeda Somaliland.

Tusaale ahaan Hogaamiyaha ugu sareeya Kooxda Shabaab Axmed Godane ayaa kasoo jeeda deegaanadda Somaliland.

Hadaba Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in ay magangalyo siinayso xoogaga deegaanadeeda kasoo jeeda ee Shabaab ku jira.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo la hadlaayay Horn Cable TV ayaa sheegay in ay maganglyo siinayaan Shabaab.

“Waxaan diyaar unahay inaan maganglyo siino dhamaan kooxaha Shabaab katirsan ee kasoo jeeda Somaliland, waana cafinaynaa, laakiin waxaa sharuud ah inay kasoo laabtaan go’aanka ay markii hore Shabaab ugu biireen’ayuu sheegay Wasiirkan.

“Waxa aan codsi u direynaa dhallinyarada qaatay fikirada xag jirnimada ee ku jira dagaalka ka socda Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, haddii ay ka soo baxaan oo ay isoo dhiibaan waxa ay heli doonaan nolal fiican maxaa yeelay qaab qalad ayaa loo adeegsaday,” sidaasi waxa yiri wasiirka Duur, adding.

Sidoo kale Waxaa uu koox nabadeed ku tilmaamay Ururka Al Islaax oo uu kasoo jeedo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud.

‘Kooxda Al Islax waa koox nabadeed waana tan uu kasoo jeedo madaxweynaha Soomaaliya, waa shaqsi wanaagsan guulna ukeeni kara Soomaaliya”ayuu hadalkiisa raaciyay Sargaalkan xukumada Siilaanyo katirsan.

Culumada ayuu sheegay in ay xaq uleeyihiin ka qeyb galka talada dalka, isagoo tilmaamay in dal aan culumo wanaagsan lahayn uu guul daraysanayo.
Comments
Render time: 0.05 seconds 4,956,668 unique visits Top