Kulanka oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada villa Soomaaliya ayaa waxaa uu Shariif kala hadlay mudane Jawaari sidii uu gacan ugu siin lahaa noqoshada Madaxweynaha Soomaaliya mar kale.
Mr Jawaari ayaa sheegay in uu isagu yahay Guddoomiye Baarlamaanka isla markaana uu la shaqayn doono Madaxweyne kasta oo loo doorto in uu hoggaamiyo umadda Soomaaliya.
Sidoo kale musharax Shariif Sheekh Axmed ayaa kala hadlay Jawaari sababta uu Baarlamaanka ugu hortaagan yahay xubnahii u badnaa qab qablayaasha dagaalka ee Shariif xoogga u adeegsaday sidii loogu dari lahaa Baarlamaanka cusub ilaa uu arrintaasi geeyo maxkamadda sare.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Proff. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari aya arrintaasu kaga jawaabay in Baarlamaanka cusub aan lagu dari doonin dad denbiyo kasoo galay umadda Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa kusoo dhamaaday qaab uusan ku qanacsanayn Shariif Sheekh Axmed oo Mr Jawaari ka filaayey in uu u yeelo sida uu isagu rabo maadaama uu yahay musharax xilligaan u baahan in dhinac kasta lagu taageero.
Kulankaan uu weji gabax kala kulmay Shariif Sheekh Axmed ee uu la qaatay Proff. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa waxa uu wax yar ka dambeeyey markii uu Shariif Sheekh Axmed heshiis awood qaybsi ah la galay Shariif Xassan Sheekh Aadan isla markaana uu ka iibsaday codadkii uu ku lahaa Baarlamaanka cusub.