Qaar kamid Ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo lasoo baxay Hab Dhaqan aan Caadi aheyn kana qeyliyay Prof Jawaari
Baarlamaanadii ugu dambeeyay Soomaaliya loogama baran wajiyo qurux badan iyo hab dhaqan wanaagsan hasa ahaatee waxa ay dad badan filayaan in Baarlamaankan Cusub ugu yaraan wax xoogaa haba yaraatee uu ka badal naan doono kuwii hore.
Baarlamaanadii hore waxa ay u badnaan jireen dad aan lagu soo xuilin aqoon iyo karti balse waxa ay ahayeen kuwa meesha la keenay ,hasa ahaatee Baarlamaankan cusub waxa uu u badan yahay aqoonyahano iyo Qurbo joog wax badan ka fahan san hab dhaqanka baarlamaan looga baahan yahay.
Dad badan ayaa hada layaab ku noqotay in Baarlamaankan cusub kuwii hore xoogaa usoo ekaanayo iyagoona durbo bilaabay foodadii iyo buuqii waxaana dhacay dhoor mar fadhiyada yar ay Baarlamaanku yeesheen in ay foodo ka dhacdo inkaastoo aysan gaarin gacan ka hadal sida kuwii hore.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari aad ula yaabay habdhaqanka Cusub ee Baarlamaanka sida dib usoo dhaca xiliyada la balamiyo iyo iska tagida xili uusan fadhiga dhamaan ama aan la fasixin isagoona Xildhibaanada ugu baaqay in Caruurnimo oo kale aysan u dhaqmin oo la yimaadana habdhaqan fiican.
Kulankii ugu dambeeyay ee shalay Xildhibaano badan ayaa fadhiga ka tagay kadib markii ay ku caajiseen Khudbadaha Musharixiinta xili aan la fasixin waxaan goobta kusoo haray xildhibaano aan tiro badneen.
Dad badan ayaa isweediinaya Xildhibaanadan hada iyaga cusub hadii ay sidaan bilaabeen Malaga yabaa in ay lasoo baxaan habdhaqankii Xildhibaanadii hore ee kuraasta isku garaaci jiray xiliyada fadhiyada Baarlamaanka uu socdo.