Shakira Oo Ugu Dambeyn Qiratay Inay Uur U Leedahay Pique.
Waxa ay ku dhawaaqday fanaanada caanka ah ee reer Colombia Shakira inay uur u leedahay laacibka Barcelona u cayaara ee Gerard Pique.
Bogeeda rasmigaa ayay ku tiri Shakira, sida ay ogyihiin qaarkiin aniga iyo Pique aad ayaan u faraxsanahay, waxaana sugeynaa canugeyni ugu horeeyay waxaana go'aansanay inaan yareyno dhaq dhaqaaqa xiligaan.
Shakira ayaa sheegtay in mahrajaano badan ay ka balansaneed ay joojisay, iyadoo hadalka ku soo gabagabeysay mahad naq ay u jeedisay taageera yaasheeda kuna tiri iga gudooma dhunkasho.
Waxaa xusid mudan in Shakira tahay 35-jir halka Pique da'diisu tahay25-jir, waxayna xiriirkooda si toosa u cadeeyeen 2011-bishii Marso, iyadoo xiligaas Shakira ay kala hareen xabiibkeedi Antonio countries Roya oo 11-sano ay wada socdeen.