MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Saraakiil uu Hogaamianayo Taliyaha Booliiska Somaliland C/laahi Fadal oo u Ambabaxay saaka Dalka Ingiriiska
Hargeysa(Saafifilms) Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland C/laahi Fadal Iimaan iyo saraakiil kale oo hogaaminayo oo ka tirsan Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa saaka u kicitimay Dalka Ingiriiska, iyagoo maqnaan doona muddo toddobaad ah.

Safarka Taliyaha Booliiska ayaa ah mid ay ku soo qaadanayaan Duruus la xidhiidha Arrimaha Booliiska iyo Aqoon korodhsi kale oo dhinaca Amaanka Khuseeya maadaama Dawladda Ingiriiska Somaliland ka caawiso dhinacyada Tababarada iyo kaabayaasha kale ee dhinaca Qalabka ah.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland C/laahi Fadal Iimaan oo u waramay Saaffifilms ka hor intii aanu Hargeysa saaka ka ambabixin ayaa yidhi “ Haa, Ingiriiska ayaanu ku sii jeednaa, aniga iyo Saraakiil kale oo Booliis ahiba” ayuu yidhi. Waxaanu raaciyay “waxaanu u tagaynaa uun arrimo la xidhiidha Booliiska, waana Aqoon korodhsi iyo sidii Cilaaqaadka iyo arrimaha Farsamo ee Amni aanu iska kaashan lahayn Dalka Ingiriiska” ayuu raaciyay.

C/laahi Fadal Iimaan waxa uu intaas ku daray mar aanu weydiinay muddada uu maqnaanayo “ waxaan filayaa toddobaad inay qaadan doonto, kadibna aanu soo noqon doono, hore Saraakiil ka tirsan Booliisku way u tageen, kana waxa uu daba socdaa uun kuwaas waana arrin muhiim ah oo Booliisku Aqoon ka korodhsanayo” ayuu yidhi
Comments
Render time: 0.03 seconds 4,572,413 unique visits Top