Madaafiicdaan ayaa waxa ay xoogooda ugu badan ku dhaceen Xaafado katirsan Dagmooyinka Boondheere iyo Shibis waxaana ka dhashay madaafiicdaan qasaaro xoogan oo soogaaray dadka rayidkaa eek u dhaqan Degmooyinkaasi.
Inta laxaaqiijiyay waxaa ku geeriyooday 8- ruux waxaana uu dhaawac ka soogaaray ilaa dad gaaraya 14-ruux oo dhamaantooda ahaa dadka degaanka.
Waxaana Madaafiicdaan Meelaha ay kudhaceen kamid ah Suuqa Maana Booliya oo halkaasi uu ku geeriyooday Ruux Dhalinyaraa oo Suuqa kulahaa guub ganacsi.
Qaar kamid ah dadk degaanka oo lahadlay warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in Madaafiicdaan ay ahaayeen kubadan kuwaas oo xalay lagu garaacay Xaafado kamid ah Dagmooyinka Boondheere iyo Shibis.
Waxaana ay dadkaan intaa raaciyeen hadalkooda in aysan garaneenin halka ay kasoo dhacayeen Madaafiicdaani oo kaliyah ay kawar heleem Madaafiic ku soo dhacday Xaafadahooda.
Majiraan wax war ah oo kasoobaxay dhanka Maamulka Degmooyinkaani oo ku aadan Madaafiicdaani.
Madaafiicdaan lagu garaacay xalay Xaafadahaan ilaa iyo iminka lama oga cidda kadanbeysa wallow ay warar kala duwan kasoobaxayaan Madaafiicdaan Xalay lagu garaacay Xaafadahaan cidii kadanbeysay.