Askari dil ka geestay Magaalada Beladweyne oo gacanta lagu soo dhigay
Taliska ciidamada dowladda ee Magaalada Beladweyne ee Gobalka Hiiraan ayaa wuxuu ka hadlay fal dil ah oo shalay askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya uu ka geestay Magaalada Beladweyne ee Gobalka Hiiraan.
Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle taliyaha ciidamada dowladda Soomaaliya ee saldhiga Magaalada Beladweyne ee Gobalka Hiiraan ayaa wuxuu sheegay in howlgal ay sameeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya ay gacanta kusoo dhigeen askariga falka dilka ah geestay.
Taliyaha ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay sii wadayaan howlgalada ay ka wadaan Gobalka Hiiraan gaar ahaan Magaalada Beladweyne ammaankana lagu xaqiijinayo.
Magaalada Beladweyne ee Gobalka Hiiraan ayaa waxaa gacanta ku haaya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa AMISOM iyo Ethopia waxaana ka dhaca Magaaladaasi falal lidi ku ah ammaanka.