SHABAAB
JACEYLKA ABAALKIISA
DOOD WADAAG
MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
XOG WARAN
XIKMADII JACEYLKA
DABINKII DUMARKA 2
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Daawo Muuqaal ahaan ''Laba Wiil oo Soomaali ah oo lugu dilay Magaalada Toronto ee Dalkaas Canada iyo Booliiska oo baadi goob ugu jiro cidii ka dambeysay
Laba wiil oo Soomaali ah ayaa waxaa la sheegay in lugu dilay magaalada Toronto ee dalkaas Canada iyadoona uu booliiska magaaladaas uu baadi goob ugu jiro cidii ka dambeysay falkaas lagu toogtay dhalinyaradaas Soomaalida.

Suleiman Cali oo ku noolaa magaalada Toronto iyo Warsame Cali oo degenaa magaalada Vaughan oo labaduba 26 sano jir ah ayaa waxaa la sheegay in dhawaantaan ay toogasho ku dileen rag aan heybtooda la aqoon iyadoona rasaas badan madaxa lagala dhacay wiilashaas Soomaalida taas oo keentay inay isla goobtaas ku naf baxaan Soomaalidaas, Booliiska oo ay soo gaartey teleefoon cabasho xilli saq dhexe ah dad ka cabanaayey dhawaqa rasaas isdaba joog ah oo goobtaas soo gaarey ayaa waxay la kulmeen labadaan wiil ee Soomaalida oo goobtaas uu yaalo meydkooda, qaar ka mid ah marqaatiyaashii arkay dadkii geystay falkaas ayaa booliiska u sheegay inay arkayeen qof madow ah oo goobtaas ka baxsaday markii ay rasaastaas dhacday kaas oo u muuqday inuu ahaa qofka falka geystay laakiin booliiska ayaan faah faahin dheer ka bixin arintaas.

Ugu dambeyntiina iyadoo dhalinyarada Soomaalida ay noqotay meel lagu laayo dalkaas Canada ayaa waxay booliisku sheegeen in arintaan lala xiriirin karo kooxo burcad ah oo islka soo horjeeda oo iyagu is ugaarsanaayo, sidoo kale ayaa waxay booliisku arintaan la xiriiriyaan fal dambiyeeedyo ku leh ka ganacsiga muqaadaraadka taas oo sababatey isku dhac ku yimaado Soomaalidaas ku leh arimahaas, Dhimashada labadaan nin ayaa waxay ka dhigeysaa ilaa iyo 6 qofood oo Soomaali ah oo lagu dilay dalkaas Canada laga soo bilaabo bishii juun ee sanadkaan, Soomaalida ay xabadu dishay dalkaas Canada ayaa waxaa ka mid ah nin lagu magacaabo Cabdicasiis Faarax oo ahaa 28 jir oo todobaadkii hore lagu toogtey dalkaas.

Comments
Render time: 0.05 seconds 4,956,718 unique visits Top