Madaxweyne Xasan Sheekh:- Ma jirto dhaqaale la igu wareejiyey, taas bedelkeeda waxaa lagu igi wareejiyey deyn faraban oo…
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulankiisii ugu horeeyay waxa uu la yeeshay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, kuwaas oo uu ka dalbaday inay si guud uga wada shaqeeyaan nabad ku soo dabaalidda dalka Soomaaliya iyo sidii hay’adaha dowladdu u wada shaqeyn lahaayeen oo uusan mardambe u dhici laheyn isqabqabsi iyo khilaaf ka dhexdhaca Madaxda dowladda oo ay Baarlamaankana la kala saftaan sidii ka dhex dhici jirtay dowladihii hore.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dhaqaale dowladdiisu ay la wareegtay uusan jirin, balse taas bedelkeeda uu la wareegay deyn ay ka tagtay dowladdii ka horeysay, wuxuuna intaasi ku daray in sidoo kale uusan jirin dowlad illa hadda wax dhaqaale ah ugu yaboohday dowladdiisa cusub, balse ay arki doonaan wixii caalamku ku taageero dowladddiisa ay u fidiyaan, isagoo ka dalbaday xildhibaanada inay dhabar adeeg ka duwan kii hore muujiyaan si loo gaaro xalka kama dambeysta ah ee Soomaaliya.
Dhina kale Madaxweynaha ayaa uga hadlay xildhibaanada qorsha uu doonayo inuu ku soo magacaabo Ra’isul wasare cusub, waxaana mar la weydiiyey goorta uu soo magacaabayo Ra’isul wasaare uu tilmaamay in haatan uu heysto waqti badan oo soo magacaabayo Ra’isul wasaare, wuxuuna intaasi ku daray inkastoo aan waqti heysto haddana sida ugu dhaqsiyaha badan ayaan u soo magacaabayaa Ra’isul wasaaraha cusub.
Mar uu ka hadlayey Madaxweyne Xasan Sheekh cafiska loo sameynayo dadka ay xukunto maxkamad ayaa waxa uu ku celiyay markale inaan la siideyn doonin cid ay maxakamadi xukuntay, waxaana loo baahanyahay ayuu yiri dowladda caadil ah, taas oo lagu helikaro in la fuliyo go’aanka maxkadda sidaas owgeed aysan jiri doonin cid ay maxakamadi xukuntay oo la cafinayo ga’aankaasina ay muhiimaddiisu tahay inay dhisanto dowladnimada Soomaaliya.